Indhooluhu Adiga Ayuu Ku Dhiirigelinayay

0
493

Laba nin ayaa isbitaalka loo dhigay xanuun iyadoo hal qol ay ku wada jireen. Qolka waxa uu lahaa daaqad keliya. Ninka xiga dhinaca daaqada xanuun weyn ma qabin, laakiin ninka kale ayaa dhaawac culus oo aanu ka fadhiisan Karin qabay.

Ninkan daaqada xigay wuu fadhiisan karayay, marka kasta ninka kale waxa uu uga sheekayn jiray waxa uu daaqada ka arkaayo, waxaana uu ku odhan jiray daaqadu waxa ay ku beegan tahay beer weyn oo cagaar ah oo raaxo leh oo dad badani isugu yimaadaan. Waana mid lagu indho doogsanaayo.

Subixi danbe gabadhii kalkaalisada caafimaad waxa ay la kulantay ninkii daaqada xigay oo dhintay, ka dib qolkii ayaa laga qaaday. Ninkii kale ayaa ka codsaday in sariirtaa daaqada isaga loogu bedelo, waana loogu bedelay.

Markii sariirta daaqadii loo geeyay ayuu isku deyay inuu daaqada eego, laakiin ilaa u fadhiisto ma arkaayo, ka dib waxa uu u isku deyay inuu fadhiisto inkasta oo uu aaminsana in aanu fadhisan kari ugu danbaystii waa uu ku fadhiistay, daaqadii ayuu eegay mise gidaar ayaa ku gudban oo waxba lagama arkaayo.

Isagoo fadhiya oo yaaban ayay usoo gashay gabadhii kalkaalisada oo iyaduna la yaabtay sidan uu caafimaaday ee uu fadhiyo. Ka dibna waxa uu ku yidhi: “ Ninkii halkan jiifay ee dhintay muxuu beenta iigu sheegi jiray oo u odhan jiray daaqadaa beer qurux badan ayaan ka daawanaya”? . Kalkaalisada ayaa ugu jawaabtay: “ Ninkaasi waa uu indho la’ laakiin adiga ayu ku dhiirgelinayay oo u doonayay inaad fadhiisato, maanta waadiga fadhigii isku deyay ee awooday, dhiraaranatu waa qalbigee maaha jidhka”

 

Leave a Reply