Somaliland iyo Imaaradka oo Xoojinaya Iskaashiga Arrimaha Caafimaadka

0
486

Hargeysa-(Dawan)- Dawladdaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaaradka Carabta ayaa xoojinayaa xidhiidhka labada dal ee iskaashiga arrimaha Caafimaadka.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Imaaraadka u fadhiya Somaliland, Abdullah Al Naqbi

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhanka Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa bishan safiirka kala wareegay sadex Cusbital casri ah kuwaa oo dalka Imaaraadku ay ka kala dhiseen magaalooyinka Hargaysa, Berbera iyo Burco. Cusbitaalada oo mid waliba khaas u bixinayo adeegyada caafimaad ee kala ah: Sifaynta Kaliyaha, Kabista iyo daawaynta Lafaha iyo Cusbitaalka sadexaad oo ah daryeelka Hooyada iyo Dhalaanku.

 

Dawladda Imaaradka Carabta ayaa sheegtay in Somaliland ay ka taageerayso arrimaha Caafimaadka si loo horumariyo adeegyadda caafimaadka ee Dalka .

Leave a Reply