Masuuliyiinta Degmada Berbera Oo Dugsiyo Cusub Xadhiga Ka Jaray.

0
438

Hargeysa-(Dawan)-Masuuliyiinta degmada Berbera oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan golaha degaanka ee degmada Berbera iyo weliba maamulka wasaaradda waxbarashada ee gobolka Saaxil ayaa xadhiga ka jaray dugsiyo waxbarasho oo laga hirgeliyey degmooyin hoos yimaada gobolka Saaxil.

Degmooyinka dugsiyadda loo dhisay, isla markaana xadhiga looga jaray ayay kamid yihiin degmooyinka Laalays, Dhibiijo ,Biyooley iyo sidoo kale Hayeyti oo kamid ah degaamadda dhinaca koonfur Barri kaga beegan degmada Berbera.

Mashaariicdan oo ay hirgelisay dawladda hoose ee degmada Berbera oo kaashanaysa mashruuca JPLG-ga ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay xildhibaan Maxamed Cali Dheere iyo sidoo kale isu duwaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Saaxil Maxamuud Caynaanshe , waxaanay sheegeen in maamulka dawladda hoose ee degmada Berbera uu kamid yahay dawladdaha hoose ee ugu horeeya ee hirgeliyey nidaamka maamul daadejinta.

Dhinacoodana waxa halkaas ka hadlay xubno kamid ah dadweynaha degaamaddan dugsiyadda waxbarasho laga hirgeliyey, iyaga oo dawladda hoose ee degmada Berbera uga mahadceliyey dugsiyadan ay u dhiseen, sidoo kalena goobtaas uga sheegay waxyaalaha kale ee ay u baahan yihiin in wax looga qabto.

Dhinaciisa Duqa magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay marwalba ku dedaalayaan sidii ay bulshadda uga haqab tiri lahaayeen adeegyadda bulshadda ee ay kamid yihiin waxbarashada ,biyaha, caafimaadka iyo waxyaalaha kale ee ay bulshaddu u baahan tahay, waxaanu dadka degaankaas usoo jeediyey in ay ilaashadaan dugsiyadan.

Leave a Reply