Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa kulan deg deg ah ugu baaqay Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo fasax ku maqan.
Xoghayaha Guud ee Golaha Guutida Cabdinaasir Beegsi, ayaa warbaahinta u sheegay in Shirguddoonka Guurtidu ku wargelinayaan Mudaneyaasha Guurtida fadhi aan caadi ahayn maalinta isniinta ee 1-02.2021-ka.
Fadhigan ayaa la filayaa in lagaga hadlo arrimaha doorashada iyo in ay go’aan ka soo saaraan iswaafajinta muddo kordhintii ay hore u sameeyeen iyo muddada Komishanku cayimay.