Wasaaradda Isgaadhsiinta oo howl-karnimo ku abaal-marisay 10 Shaqaale ah oo ka kooban Sarkaal ilaa Waardiye

0
416

“Qofku hadduu nadiifiye yahay waxa uu xaq u leeyahay in wax la bari karo oo aanu magac iyo waji u jirine…”Gudd. Farxaan Aadan Haybe

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland abaal, ayaa marinno ku guddoonsiisay Shaqaalihii ugu shaqada wanaagsanaa sanadkii ina dhaafay ee 2020, munaasibad maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta Wasaaradda, Guddoomiyeyaasha Hay’adda Shaqaalaha iyo Komishanka Maamul-wanaaga.
Abaal-marintan oo ah mid sanadle ah, ayaa waxa la siiyey 10 kamida Shaqaalaha Wasaaraddaasi oo ka kooban xubno kamida Saraakiisha xafiisyada waaxyaha ka shaqeeya ilaa shaqaale-hoosaad ay ku jiraan Waardiyeyaal.

Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Aamina Xuseen iyo Agaasimaha Waaxda cududa shaqaalaha ee Wasaaraddaasi Eng. Cabdirisaaq Xuseen Faarax oo ugu horayn munaasibada ka hadlay, ayaa ka waramay qaabta lagu soo xulay iyo qiimeynta lagu sameeyey Shaqaalahan la abaal-mariyey, waxaanay sheegeen in iyadoo la raacayo xeerka Shaqaalaha Dawladda qodobadiisa ku taxaluqa nidaamka warbixinaha xubnaha shaqaalaha loo aqoonsaday dadkii ugu wanaagsanaa shaqada.
“waxa loo eeggay wixii ay ku wanaagsanaayeen, wixii ay ku fiicnaayeen iyo sida ay u fuliyeen waxyaabihii ka khuseeyey qorshaha Wasaaradda, sidaas ayaa lagu gartay in lagu abaal-mariyo”ayey tidhi Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi.

Agaasimaha Waaxda cududda Shaqaalaha Cabdirisaaq Xuseen Faarax, ayaa isna dhankiisa hambalyo u diray shaqaalaha abaal-marinta la siiyey, isagoo kula dardaarmay guud ahaan Shaqaaluhu in ay noqdaan kuwo u darban shaqada.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe iyo Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Dayib Aadan Xaaji Cali oo Xafladaasi ka hadlay, ayaa wasaaradda ku bogaadiyey talaabada ay ku dhiiri-gelinayso Shaqaalaha oo ay ku tilmaameen mid ku dayo mudan.
Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ayaa munaasibada ka sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado wacyiga shaqo ee Shaqaalaha, iyadoo la dhisayo aqoontooda iyo mustawahooda shaqo.

Guddoomiyaha oo si gaar ah u amaanay Shaqaalaha hoose ee abaal-marinta helay, ayaa yidhi “Shaqaale hoosaadyadu waxay xaq u leeyihiin inaynu mustaqbalka tababarro fiican siino oo ay dalacaan. qofku hadduu nadiifiye yahay waxa uu xaq u leeyahay in wax la bari karo oo aanu magac iyo waji u jirine uu wax kale noqon karo ilaa Engineer uu noqon karo, hadduu waardiye yahay sidoo kale”

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiwali Sh. Suufi Jibriil oo isagu biladaha guddoonsiiyey Shaqaalaha, ayaa hadal uu xaflada ka jeediyey ugu mahad-naqay xubnaha howl-karnimada shaqo ku mutaystay abaal-marinta, waxaanu ku booriyey in ay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda. “Dhamaan waan hambalyeynayaa Shaqaalaha. waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa Qolada waardiyeyaasha ah oo shaqo aad u muhiima haya. habeen aan Wasaaradda ku gaadhay labadii habeennimo wuu soo jeeday Maxamed oo aan hubo in uu kamid yahay dadka mudan in la abaalmariyo.
Mar qudha isagoo Albaabka ka maqan ma arkaysid, waxaan filayaa in uu xataa meesha wax ku dhex cuno oo aanu ka dhex bixin”ayuu yidhi Wasiir Cabdiwali.

Wasiirka ayaa shaqaale weynaha Wasaaradda ku amaanay kartida, hufnaanta iyo heellanaanta ay ugu adeeggaan qaranka, isagoo beyaamiyey inay laf-dhabar u yihiin fulinta masuuliyadda iyo Waajibaadka Wasaaraddaasi, wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaantuna ay u tahay halbeegga shaqo-wanaagooda .

Leave a Reply