Xildhibaan Xukuumadda ugu Baaqay In aan lagu Deg degin Tallaalka COVID-19

0
457

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa walaac ka muujiyey tallaalka Cudurka COVID19, oo la sheegay in dhawaan la keenayo Somaliland.

Xildhibaan Cartan oo qoraalka soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa ugu baaqay xukuumadda in aanay ku deg degin tallaalkaasi, waxaanu yidhi “Warkan waa mid walaac dhalinaya, waayo Somaliland kuma dhaqmin talooyinkii caalamku soo saaray ee kala fogaanshaha, oo suuqyadeena iyo massjidadeenu way camiran yihiin, kuma aynnu dhaqmin af- xidhka oo qofka qaata waa lala yaabayey kuma aynnu dhaqmin, farxalka la waajibiyey oo suxuuntii xafiisyada qaar la dhigay way engegeen, lamana odhan karo xanuunku inama soo gaadhin oo way jirtaa inuu dad inaga galaaftay, haseyeeshee, si sahlan buu inoola joogay.”

Waxa uu intaasi raaciyey Mudanuhu “Marka waxay ila tahay in aynaan talaalka ku degdegin, waayo talaalka heer tijaabo ayuu marayaa, laakiin dalalkii uu faraha xun ku hayeyey way ku khasban yihiin inay isticmaalaan, balse inaga ma jirto wax inagu khasbaya in aynnu shay tijaabo ah jenbiga kaga boodno.

wasaatadda iyo guddoga Karoonaha waxan leenahay cagta noo dhiga, arrintana si heer qaran ah ha looga baaraandego. Taladana ha la balaadhiyo inta aan UNICEF IYO DPWORLD la siin OKAY.”

Leave a Reply