Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah ku soo galay Xeebaha Somaliland.

0
460

Saylac (Dawan) Markabkan oo ahaa mid kalluumaysi, ayaa waxa lagu soo qabtay hawl gal ay Xeebta galbeed ka fuliyeen Ciidanka Saldhiga labaad ee Saylac, kuwaas oo imika gacanta ku haya Markabkan iyo Shaqaalihii saarnaa.

Markabkan, ayaa ciidanka Ilaalada Xeebuhu ka war heleen, markii uu ku soo xadgudbay Biyaha Somaliland, iyaga oo adeegsanaya Qalabka Raadalka oo inta badan Ciidanku kula socdo Maraakiibta iyo Doonyaha dalalka Shisheeye.

Leave a Reply