Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta Somaliland oo  Furay kulan laggaga Halayey Waxyaabihii Sannadkii Tagay U Qabsoomay iyo Qorshaha Sannadkan.

0
848

Hargeysa (Dawan)-Wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland ayaa maanta furtay kulan lagaga hadlayay wax qabadka wasaaradda ee sannadkii tagey waxyaabaha ka baaqday ee aan u qabsoomin iyo caqabadaha ka hor yimid.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif, ayaa sheegtay in qorshe la’aan aanay waxba socon loona baahan yahay in laga midho dhaliyo qorshaha cusub ee sannadkan aynu ku jirno ee wasaaradaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland, C/rashiid Ibraahin Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in wasaaradu xooga saarayso sidii shaqada xoogeeda loogu daadejin lahaa gobollada dalka, wuxuuna intaas ku daray in wasaaraddu leedahay siyaasado iyo shuruuc lagu dhaqmi doono oo ay tahay in sideeda loo dabaqo, isaga oo u mahad naqay hawl-wadeenada kala duwan ee wasaaraddaasi.

Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland Mustafe Cali Godane, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qorshaha ay ka timaado guul iyo guul daro, guushana ay ka danbayso qorsha wanaagsan oo la samaysto, isla markaana ay muhiim tahay qorshaha wasaaradda ee hawlqabadka sanadkan iyo dib u eegista qorshaha sannadkii hore.

Leave a Reply