Xisbiga WADDANI oo Sharci-darro ku Tilmaamay xadhigga Ciyaaryahan Jufo

0
501

Hargeysa (Dawan) Xoghayaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI,  Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), ayaa cambaareeyey xadhigga Ciyaaryahanka Maxamed Jufo oo Ciidanka Boolisku xidheen, ka dib markii uu dhawaan ka soo laabteen tartankii Ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya isaga oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii metelayey Puntland.

Xoghaye Tadhase oo ka hadlayey xadhigan, waxa uu yidhi “Xadhiga hada la xidhay ciyaaryahan Maxamed jufo waa sharci daro wanan cabarynayaa ma jiro sharci dhigaya in la xidho ciyaaryahan ka soo ciyaarayay dal kale xisbiga waddani aqbali maayo wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha waxanu leenahay sharciga dib ugu soo noqo.”

Xooghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga wadani
Yuusuf Nuux yuusuf (tadhase).

Leave a Reply