Dawladda Sucuudiga oo ka madnuucday dalkeeda inay oo galaan dadka ka imanaya 20 dal

0
764

Dawladda Sucuudiga ayaa Salaasadii shalay ku dhawaaqday in aanay dalkeeda soo geli karin musaafiriinta ka socda 20 dal oo caalamka ah.

Wakaalada Wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in soo gelitaanka dalka Succuudiga laga madnuucay dadka ka imanaya Dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtaa, Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Koonfur Afrika, Masar, Lubnaan, Hindiya, Pakistan iyo dalal kale.

Boqortooyada Sucuudigu waxa ay sheegtay in go’aankani uu yahay mid ku meel-gaadh ah oo lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid19 oo dalalkaas qaarkood wali aad ugu faafaya.

Dadka soo gelitaankooda sucuudiga la hakiyey waxa ku jira qof kasta oo dalalkaas safar ku tegay 14 ka hor xilliga uu soo dalbaday dal-ku-galka Sucuudiga.

Xukuumadda Riyaad ayaa intaasi ku dartay in aanu go’aankani saameyn doonin diblomaasiyiinta dalalkaasi, muwaadiniinta Sucuudiga, Dhakhaatiirta iyo Qoysaskooda.

Hase yeeshee dadka loo ogolaaday soo gelitaanka Sucuudiga ee ka yimi dalalka la madnuucay waxa ay mari doonaan sharci ay u dejisay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi xakamaynta cudurka, kaasoo lagu hubinayo caafimaadkooda.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii cusbuucyadii u dambeeyey ay korodhay tirada dadka uu soo riday cudurka safmarka ah ee Covid gudaha dalka Sucuudiga.

 

Leave a Reply