Itoobiya: Gobolka Tigray la digay in ay ka dhacdo Musiibo bina’aadanimo

0
117

Xisbiyada mucaaradka ee gobolka Tigrey ayaa digay “Musiibo bina’aadanimo oo wayn” oo ka dhacda Gobolka colaadu halakaysay ee Tigrey haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar loo gaadhsiin.
Waxa ay sheegeen in dadku at bilaabeen inay u dhintaan gaajo, waxayna ugu baaqeen beesha caalamka inay arrintan soo faragaliyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in gargaar la gaadhsiiyay gobolka Tigrey islamarkana ay ka faa’ideysteen 1.5 milyan oo qof.

Hase yeeshee Xisbiyadu waxay sidoo kale sheegeen in 52,000 oo qof la dilay tan iyo intii uu dagaalka Tigrey billowday bishii November.
Wax Sharraxaad ah kama bixin qaabka ay tiradan ku ogaadeen, balse waxay sheegeen in dadkaasi ay ku jiraan carruur, haween iyo hogaamiyayaal dhanka diinta ah.

Dowladda Itoobiya marna ma sheegin tirada ku dhimatay dagaalka gobolka Tigrey ee bilaha socday.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay waddo howlgal “lagu xaqiijinayo kala dambeynta” kaasi oo ka dhan ah xisbigii hayay talada Tigrey ee TPLF.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xoogagga TPLF ay la wareegeen saldhig militari oo ku yaalay gobolkaasi taas oo ka dambeysay khilaaf dhexmaray iyaga iyo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.
Waxa uu sidoo kale dagaalkan saameyn ku yeeshay ku dhawaad 100,000 oo ah qaxooti ka soo jeeda dalka Eritrea oo ku jiray xero ay Qaramada Midoobey maamusho oo ku talla gobolka Tigrey.

Afhayeen u hadlay hay’adda qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in qaar ka mid ah qaxootigaasi ay cuneen qolfaha geedaha islamarkana ay cabbaan biyo aan nadiif ahayn, ka dib markii goobihi ay daganaayeen lagu qasbay inay ka qaxaan, dhaqdhaqaaqii gobolkana la xayiray.

Dad tiradoodu ay ku dhaw dahay 2 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha gobolka Tigrey.

Dowladda ayaa si adag u xannibtay islamarkana ka hor istaagtay warbaahinta iyo hay’adaha gargaarka inay gobolka Tigrey galaan, iyadoo muddo bil ka badanna Isgaadhsiinta gobolku xidhnayd.

Isniintii, madaxa hay’adda NRC, Jan Egeland, ayaa sheegay in gargaarka gobolkaasi si aad ah loo xannibay.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen xisbiyada mucaaradka ee kala ah – the Tigray Independence Party (TIP), Salsay Weyane Tigray, iyo National Congress of Great Tigray – ayaa waxay ku sheegeen in haddii si dhaqso ah aan cunno iyo daawo loola gaarin gobolkaasi “in musiibada bina’aadnimo ee ku soo fool leh Tigrey ay noqon doonto xaqiiqo wayn”.

“Magaalooyiinka iyo tuulooyiinka ayaa lagu dumiyay hubka Altalariga oo si aan kala sooc lahayn loogu garaacay, xarumaheena caafimaadka iyo waxbarshada waa la dhacay oo la burburiyay waxa taas ka sii yaab badan in xarumiheena diiinta la weeraray islamarkana qalabkii barakeysnaa yaalay ayaa la dhacay ,” ayay bayaankooda ku sheegeen xisbiyadan.
Xisbiyada mucaaradka ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan gobolka Tigrey looga soo saaro ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea islamarkana baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo dambiyada dagaal ee la sheegay in dhammaan dhinacyada dagaalamayay ay geysteen.

Toodobaadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxa Dawladda Mareykanku ugu baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamada Eritrea halkaasi uga baxaan.

Dowladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxay horey u beeniyeen in ciidamo Eritrea ka socda ay gobolka Tigrey ku sugan yihiin.

Guddida Fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go’aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasho ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.

“Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda” ayaa war-murtiyeedka lagu yiri.

Hase yeeshee golaha ayaa go’aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska corona.

Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray.

Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh oo ugu dambeyn sabab u ahaa isku dhaca.

Maamulka Tigreega ayaa ka dhegaha ka fureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorashada guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xidhiidha cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.

Xiisadda taaga waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas – oo xad la wadaaga Eretariya – uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeedheen “ismaamulka iyaga u gaarka ah”.

TPLF waxay hore dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka, cabsidaasoo aakhirkii noqotay mid run ah.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here