Sheekh  Mustafe oo lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Qardho

0
848

Qardho (Dawan) Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun,  oo kamid ah culimada waa  weyn, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Soo dhowaynta sheekha ayaa waxaa duleedka magaalada kaga hortagey masuuliyiin isugu jira maamulka gobolka, kan degmada, xildhibaano, culimo, dhalinyaro, haween iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shiikh Mustafe oo 27/01/2021 ka  degay magaalada Garoowe ayaa inta uu ku sugan Qardho wuxuu ku qaban doonaa muxaadarooyin iyo kulamo uu la qaadan doono waxgaradka iyo dhalinyarada degmada Qardho.

Safarka sheekh Mustafe, ee deegaanada Puntland ayuu ku sheegay inuu yahay dal iyo dad barasho, maadaama aanu muddo iman deegaanadan.

 

Leave a Reply