ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA 2021-ka..Q1aad

0
1721
Dhaqanka iyo Suuqaanta
Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Email: Curad1986@hotmail.com
ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA 2021-ka..Q1aad
Xiddigiska odoroska meertada nololsha, wakhtiga iyo waayaha soo socda, inkasta oo aan alle cidna waxba la ogayn, haddana waxa ay kamid tahay xeeladaha uu aadamuhu ku hilaadiyo saban kasta waxa laga filan karo, iyadoo lagu dabaqayo dhowr arrimood oo ay inta badan xidiggiyeyaashu ka duulaan.
Dadka saadaasha ka bixiya xilligu waxyaabaha ay u eeggaan waxa kamida maalinta uu curtay sanadka cusub, taasoo la akhriyaan waxyaabaha maalintaasi ay ka aaminsan yihiin, sidoo kalena waxa ay dib u raadiyaan in uu jiray sanad hore oo maalintaas galay.
Somaalidu waxyaabaha ay dhaqanka iyo hidaha u lahayd ayuu kamid yahay xidiggisku, waana mid wali lagaga dhaqmo dhulka Miyiga, reer magaalka laftiisana qayb kamid ahi aqoon iyo xeel-dheeri u leeyihiin.
Si’ guud marka looga hadlayo Xidiggisku waa aqoon guud oo ku salaysan dhaqan iyo soo-jireen qayb ka ahayd nololsheena, waana jirto xataa dadka dhalashadooda, dhaqankooda iyo dabeecaddahooda loo nisbeyn jiray, iyadoo aynu had iyo jeeraale maqalno qof la leeyahay wuxuu dhashay Daalacan oo loo yaqaano qofka carabka dadka ku badan amma wax kasta oo dhaca khalad iyo sax dusha laga saaro.
Geesta kale, xidiggisku waa wax ku dhisan saadaallin iyo odoros, run amma ma-dhacdo noqon kara, mana aha wax sida loo filay mar kasta noqon kara.
Haddaba, akhristeyaal qormadeena dhaqanka iyo Suugaanta ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa mowduuc ku saabsan Odoroska Nayruushka sanadkan aynu bishii koowaad ku jirno ee 2021.
Qormadan oo uu qoray Qoraa Maxamed Faarax Qoti oo kamida dadka inta badan ka hadla amma wax ka qora Nayruushka iyo xiddigiska  (Astrologist), kaasoo qoraallo taxane ah oo ku saabsan  ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA 2021-ka la wadaagauy soo saaraha Barmaamujka.
Qoraagu waxa uu qormooyinkiisa, kaga hadlay inta badan dhinacyada laga saadaaliyo meertada adduunka, isagoo si guud ugu sharaxay isbedellada ku iman kara sanadka xaaladdaha dhaqan-dhaqaale, siyaasaddeed iyo cimilo ee caalamka.
Qormada koowaadna waxa uu ku bilaabay sidan:
“Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.
Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.
Balse, ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.
Haddaba, waxa aynu malle Aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2021-ka, Dadka ku xeelka-dheer leh cilmiga odoroska xidigaha waxay odhan jireen “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Sannadkan 2021-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Jimcaad oo loo nisbeeyo astaanta toddobaad ee  burjiga miisaanka ee ku aadan muddada u dhaxaysa 23/9-22/10,  godadka dayaxu  maro ku leedahay  Garbo, Bayaxow iyo Godan, waana xilliga kala wareega xagaaga iyo Deyrta,  waa lab Hawaa’iya, oo maalinle ah,  jihadiisu waa waqooyi, wuxuu leeyahay kulayl iyo qoyaan badan.
Dhinaca Siyaasadda Aduunka gaar ahaan Somaliland:- Waxay dad badan waxay  isweydiinayaan natiijada ka dhalan doonta doorashooyinka golaha wakiillada iyo goleyaasha deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkan 2021-ka,  waxa laga yaabaa in shaqsiyaadka ugu codk badan  murasharaxiinta tartamaysa xubnaha labada golle ay la kumi doonaan billowga ugu horeeya caqabad ama horjoogsi,.waxaana laga yaabaa in aanay dhameysan doonin muddo xilloodkooda, waxa kale oo la filan jiray dadka cod-bixiyayaasha ay yaraan doonto tiradoodu, taasoo ay sababi doonto qaabkii loo soo xushay murasharaxiinta u tartameysa xubnaha gollaha wakiiladda iyo gollaha deegaanka,  doorasho qabyaaladeysan oo ku saleysneyd qabiil, qabiil la tartamaya, isla markaana aan lagu dhaqmin hab-raacayaddii loo dajiyey xisbiyadda ee lagu qiimeyn jiray xulashada murasharaxiinta uga tartamaysa gollaha wakiilada iyo gollaha deegaanka, waana sababaha keenidoona in niyad jab ku yimaado codbixiyayaasha, ha lagu duceeyo wada noollaanshaha iyo nabada marka loo dareero coddeynta.
Sidoo kale, waxa sii jiitami doona loollanka siyaasadeed ee ka dhex-aloosmaya fikradaha muxaafidiinta iyo kuwa  aaminsan fikradaha mucaaridka,  illaa iyo inta laga gaadhayo isku-tanaasul ka yimaada labada dhinac fikradaha ay kala aaminsan yihiin, dimuquraadiyadda iyo sinaantu waxay noqon doontaa mid dheelitiran oo adag, inkastoo mararka qaarkood  ay yeelan doonaan awooddo qarsoon oo ay ujeedooyinkoodu aanay wanaagsaneyn, waxaana loo adeegsan doonaa maskaxaha dadweynaha nidaamkii lagu xakameyn lahaa hadafkaas, waxaana guulaysan doona cadaaladda.
Guud ahaan, waxaynu haysanaa xulashooyin badan oo aynu ku kala dooran karayno sidii aynu u badeli lahayn isbadeladii dhacay sannadihii aynu soo dhaafnay, sidoo kalena, curinta cusub ee hal-abuurka, balanka iyo isku tanaasulku wuu ka fiicnaan doonaan sannadihii aynu soo dhaafnay, waa haddii si buuxda loo xoojiyo isku duubnida ruuxiga  iyo dabeecada ruuxiga ah, waxa kale oo la dareemi doonaa farxad badan, waa haddii diirada la saaro illaha walxaha maadiga ah ee dhinaca abniga, waxa muhiim ah in aad looga feejignado walxaha maadiga ah ee loo isticmaalo qaraxyada.
Xaqiiqdii waxa si adag loo qaban doonaa fikradaha ku dhisan dimuquraadiyadda, waxaana muhiim ah in si miyir-qab ah looga feejignaado, isla markaana diirada la saaro dhex-dhexaadnimada, waa in la horumariyaa qaab-dhismeedka ugu wanaagsan awooddaha maskaxaha iyo dareennada Aadamaha, wax muhiim ah in la illaaliyo wararka iskhilaafsan ee u qulqulaya sida mowjadaha.
Dhinaca Dowladdaha:- Waxa hoos u dhigay saameyntii ay keeni lahayd kacdoonadii iyo dhaqdhaqaaqyadii xooggagii xagjirnimada ahaa ee ka dhalan lahaa dunida sannadkii 2020-ka, cawaaqibkii ka dhashay cudurkii Jiqlaha ee loo yaqaano “Covid 19 “  ee ku faafay dunida.
Dowladdaha adduunka waxay gali doonaan hal-gan ku saabsan qaab-dhismeedka dowladdihii hore iyo kuwa cusub, waxaana laga cabsi qabaa in ay dowladdo badan ku dhacaan dowlad la’aan, waxaana la dareemi doonaa dib u hagaajinta sinaanta jinsiyaddaha, cadaaladda, wadajirka,  wadaagidda xoggaha, dhaqaalaha iyo wanaaga, waxaana loo guuri doonaa sidii si hufan oo daacadnimo ku dheehan tahay loo daahfuri lahaa xaqiiqooyinka himilada la hiigsanaayo, waxa kale oo uu noqon doonaa hab-nolloleedka bulshadu mid fudud, sidaa awgeed, waa in aynu iska dhaafnaa nidaamka macmalka ah, habraacyada macmalka ah, agabka iyo farsamooyinkii la soo dhaafay ee loo isticmaalo xawaaraha isgaadhsiinta, socdaalka, waxbarashada iyo waayo-arragnimada.
Himilada ay hiigsanayaan Madaxweynayaasha, waxa wiiqi doona hawlihii lagu horumarin lahaa adeegyada bulshada, la xiaabtan la’aanta iyo masuuliyiinta ku yimid cugashada madaxweyneyaasha oo aan ahayn mid leh qiimeyn iyo xulasho sare.
Nollosha Dadku waxay ku sugannaan karto:- Dhinaca nolosha waxa la wajihi doonaa kala doorashada wajiyada cusub, wajiyadii hore iyo hal-abuurnimada, haddaba waxa isweydiin muddan, in aynu isweydiino waa xagee jihada saxda ah ee aynu u soconaa, xageebaynu taaganahay iyo xageebaynuse ka nimid? .
Waxa la dareemi doona dhinaca aqoonta in jahligii hore uu ka daran yahay jahliga maanta jira, waa jahli sita waraaqo shahaadooyin ah oo aanay waxbaba ugaga hooseyn oo aan waxtar lahayn, haddana waxay isku haystaan kuwo cilmi iyo aqoon leh. Runtana Allaa Og.
Dhinaca Dhaqaalaha:- Maaliyadda iyo dhaqaalaha suuqyadu waxa ku iman doona khaladaad badan, waxaana fuulli doona culays macquul ah, halka qaybaha qaarkood sida, maalgashiguna uu kor u kobci doono, waxa kale oo ay goobo badan isku bedeli doonaan dhismayaal dhaadheer, waddooyinka hareerahooduna waxay isku bedeli doonaan goob lagu cunteeyo, goobaha wax lagu kaydiyo iyo dukaamada suuqyada ee wax laga iibsado (shoping malls) waxay isku bedeli doonaan hoy.
Runtana Allaa Og.

La soco

Leave a Reply