Kalfadhigii 74-aad ee Golaha Guurtidda Somaliland oo Furmay

0
398

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland, waxaa maanta si rasmiya ugu furmay kalfadhigoodii 74-aad, kadib markii ay ka soo noqdeen fasixii dastuuriga ahaa ee ay ku jireen.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa guddoomiye ku xigeenku  waxaa uu warbixin ka siiyay  mudanayaasha waxyaabihii u qabsoomay golahaasi mudadii u dhaxeysay labadii kalfadhi, oo uu sheegay in dhinacyada nabadgelyada iyo siyaasada hawlo badan laga qabtay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in diwaangelintii dalka ka qabsoontay talloobiyinkeedii la qaaday sidii ay doorashooyinkeedu dalka uga qabsoomi lahaayeen.

Guddoomiye Siciid Jaamac, isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu xusay in doorashooyinka sannadkan dalka ka qabsoomaya ay kaga duwan yihiin sannooyinkii hore in gobolada Sool iyo Sanaag berri ay ay sannadkan ka qabsoomayso, taasi oo uu tilmaamay in ay muujinayso nabadgeliyada Taamka ah ee dalka oo dhan.

Gaba-gabadii guddoomiye Siciid Jaamac Cali, waxaa uu mudanayaasha golaha u soo jeediyay in doorkooda ay ka qaataan wacyigelinta bulshada ee arrimaha doorashooyinka iyo ta nabadgelyadda.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dil xalay ka dhacay degmadda Buuhoodle, oo uu sheegay in ay salka ku hayso aano qabiil.

 

Leave a Reply