“Cidla Gabaahiir Ayaanu Joognaa, Raggaygiina way wada Bukaan”

0
532

Hargeysa (Dawan)- Xasan Cismaan Khayre iyo Maryama Jaamac Cilmi waa Aabe iyo Hooyo muddo toban sannadood ah la-daalaa-dhacayey daryeelka iyo dabiibka Shan Nin oo ay dhaleen oo Maskaxda ka xanuunsanaya, kuwaasoo xaalladooda bugto kala duwan tahay, kuna rafaadeen labada Waalid gacan ku hayntooda.

Qoyskan oo ah danyar Xoolo-dhaqato ah oo ay saameeyeen Abaarihii dalka ka dhacay sanadihii la soo dhaafay, kana mida bulshada ku dhaqan Deegaanka Dacawalay oo 30KM dhinaca Koonfureed kaga beegan Caasimada Hargeysa, waxa ay umadda Somaliland iyo dadka Islaamka ka codsaday in loo fidiyo Kaalmo caafimaad iyo daryeel kaleba wixii la tari karo, waxaanay sheegeen inay hayntooda hantiyeed aad u lidato oo ay ka awood bateen duruufaha ay qabaan ubadkan xanuunsanaya oo uu mid kamid ahi wakhti dheer bukay, isla markaana ay u xal waayeen dabiibkiisa.

Waalidka Qoyskan iyo qaar kamida dadka deegaanka oo u waramay wariye ka tirsan Wargeyska Dawan oo ku booqday duleedka tuulada Dawacaley, ayaa sheegay in ay mushkiladani la kulantay qoyska tobaneeyo sanno ka hor, isla markaana uu xanuunku ku bilaabmay mid kamida shanta Wiil ee xanuunsanaya oo isagu ku xidhan cariish yar oo aan hadh iyo hoy toona ugu filnayn, halka kuwa kalena la haleelay xilliyo kala dambeeyey, bugtadooduna ay tahay mid sibiq-dhaqaaq ah oo aan joogto ahayn, balse marka ay muddo ladnaadaanba lagu soo noqonayo.

“Deegaankan waxaan degenahay 30 sanno, raggaas howshooda in badan baan la rafaadayey. dhulkay ii riday in badanbaan Dhakhaatiirta kula dedaalay, iminka aniga iyo hooyadoodba waanu isla jilicnay oo waanu itaal-gabnay.

Sidaas awgeed waxaanu aad iyo aad u codsanaynaa in nala soo caawiyo”Ayuu yidhi

Aabo Xasan Cismaan Khayre isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray“Waxaanu nahay dad reer Miyi ah oo ay nuglaysay abaarihii dalka ka dhacay, anigana shantaa Nin howshoodaa igu socota”

Aabaha Mushkilada caafimaad ka haleelshay ubadku waxa uu codsaday in laga caawiyo xal-u-helida caafimaad-darrada ubadkiisa, in lala daryeelo iyo in laga kaalmeeyo Berked nooca biyaha lagu kaydiyo oo uu duleedka reerka uga qoday oo qabyo ah, taasoo uu dalbaday in laga gacan siiyo dhamaystirkeeda “Waxaan noqday ma guurto oo meelna uma guuri karo, waxaan u baahanahay in ceelkaa yar ee aan halkaa uga qoday si ay biyaha uga cabaan reerku la ii sameeyo, waayo dhinacna ugama guuri karo gurigan uu raggu iigu xidh-xidhan yahay, waxa kale oo aan u baahanahay in raggaas dawadooda layga soo caawiyo. wax kasta oo laygu caawin karo waan u baahanahay”ayuu yidhi Aabaha Qoysku.

Hooyo Maryan Jaamac Cilmi, ayaa sheegtay in ay ku dhiban yihiin qoys ahaan, si gaar ahna howsha nadaafada, cuntadooda iyo daryeelkooda kaleba ugu dhacay labadooda waalid iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi. “Shan nin weeyaan. shantaba anigaa xambaaray, way xanuunsanayaan, annaga way na dilayaan khalkhalisay nagu ridayaan, waanu ku dar-xumaysanahay. waxaanu doonaynaa in nala soo caawiyo”

Hooyo Maryan oo ka tiiraanyeysan dhibaatooyinka isu barkaday iyada iyo awladdeeda, ayaa tidhi. “Cidladaa gabaahiirta ah ayaanu joognaa raggaygiina way bukaan, aniga iyo Odaygiina waanu ku dul dhimanay”.

Oday Xuseen Ibraahim iyo xubno kale oo kamida waayeelka Deegaanka uu qoyskani ku nool yahay, ayaa xoojiyey qaylo-dhaanta labada Waalid, waxaanay ku baaqeen inay cid kasta oo taageero u fidin karta reerkani u samo-fasho, maadaama umadda Islaamka lagu waajib yeellay inay isu naxariistaan oo ay iscaawiyaan.

Waa shanta Nin ee walaalaha ah ee uu xanuunka maskaxda ka helaalay, ayaa kala ah Cabdi Xasan Cismaan oo ay da’diisu tahay 50 jir , Maxamuud Xasan Cismaan oo ah 48 jir , Maxamed Xasan Cismaan oo ah 46 jir , Cali Xasan Cismaan oo ay da’diisu tahay 44 iyo Mukhtar Xasan Cismaan oo ah 30 jir.

Xubno kamida ayaa xaasas leh, waxaanay dhaleen ubad, xanuunkoodun ladnaan mooyee buksasho taama ma yeellan siday noo sheegeen waalidku, hase yeesheen Maxamuud Xasan Cismaan oo ah Ninka ugu daran, waxa uu ku sugan yahay xaalad culus oo lagu tilmaami karo dayac.

Waxa uu ku xidhan yahay balbalo yar oo looga sameeyey duleedka reerka, hu’ga la xidho iyo kuwa la huwado toona ma ogola in la saaro, timaha iyo cidiyaha ayaa aad ugu baxay ayay tidhi Hooyo Maryan iyada oo ka waramaysa xaaladdiisa. “Ma ogola in loo maydho, in cidiyaha laga guro iyo in loo xiiro oo wuu na laynayaa”

Hooyadan iyada oo hadalkeeda sii wada waxaa ay intaas raacisay “Wixii itaalkayaga ah waanu u samaynaa haddana waakaas dayacan”

Waa hubaal, haddii uu Qaranku u gurmado qoyskan in xal loo heli karo dhibaatada haysata, lagana dabooli karo waxyaabaha ugu muhiimsan baahiyahooda oo ay kamid tahay maareynta xaalada caafimaad-darro ee la-degtay, waana in loo fidiyaa wax kasta oo dayeel nololeed u noqon kara.

Wasaaraddaha Caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyagoo iskaashanaya waxa muhiim ah in ay booqdaan Qoyskan, dul-tagaan oo ay soo arkaan waayaha ku gedaaman oo uu tusaale laga argagaxo uu u yahay sawirka muruggada leh ee Maxamuud Xasan Cismaan iyo afarta nin ee kale ee ay walaalaha yihiin oo aan maskax ahaan iyo nafsad ahaan toona bad qabin.

Waxaana Qoyskan xog iyo taakuleynba lagala xidhiidhi karaan Telefoonadda xubno kamida eheladooda oo xogogaal u ah +252 65 9066444 iyo +252-634422318.

Leave a Reply