Xukuumadda oo Culimada ugu Baaqday ka Hadalka Tacadiyada Haweenka

0
499

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa culimo awdiinka dalka ugu baaqday in ay ka hadlaan oo ay bulshada ka wacyi geliyaan dhibaatooyinka haweenka ka dhanka ah ee lagula koco.

Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cabdi Bile, ayaa culimada usoo jeediyay in ay bulshada u iftiimiyaan in aanu Diinta Islaamka wax xidhiidh ah in aanu la lahayn gudniinka Fircooniga ah ee hablaha yar yar lagu la koco oo ah dhibaato ku taxan nolosha gabadha yaraanteeda lagula koco isla markaana ay ka dhaxasho dhibaatooyin cawaaqib xumo ku ah nolosheeda oo dhan.

Wasiirka oo daah furay Barnaamijka ka hortagga tacadiyada Haweenka oo magaaladda Hargeysa laga daah furay.

Waxa madasha Barnaamijkan lagu daah furaayey kasoo qayb galay Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mustafe Godane Cabdi Bile, Agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorshaynta qaranka Cabdiqaadir Cumar Jaamac, Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka ee NOW Marwo Xaliimo Xaaji Cabdi

Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland oo faah faahin ka bixiyay hadafka iyo ujeedada laga leeyahay Barnaamijkan, ayaa tilmaamay in Barnaamijkan ay Somaliland ka taageerayso dawladda Jarmalku, isla markaana uu u dhaxeeyo saddexda dal ee Somaliland, Sudan iyo Ethiopia.

Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka ee NOW Marwo Xaliimo Xaaji Cabdi soona dhoweysay Barnaamijkan lagaga hortegayo tacadiyada haweenka.

Dhinaca kalena waxa Barnaamijkan ka hadlay Agaasimaha Mashruucan Kiristoofar oo ka waramay faa’iidada uu mashruucani leeyahay iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in ay Somaliland wax ugala qabtaan, waxaanu tilmaamay in Mashruucan lagaga hortegayo tacadiga Haweenka, gaar ahaan Gudniinka Fircooniga ahi uu yahay mid muhiim ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo isna goobtaas ka hadlay ayaa soo jeediyey in bulshadda laga wacyigeliyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee soo jireenka ah, waxaanu tilmaamay in ay xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Dhankiisana wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland Md Mustafe Godane Cabdi Bile oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in higsi iyo bartilmaameed laga leeyahay ka hortagga dhaqamada iyo caadooyinka soo jireenka ah ee haweenku ay la kulmaan, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in Barnaamijkan GIZ uu ka shaqayn doono meelo kala duwan.

Wasiirka ayaa culimadda dalka usoo jeediyey in ay dadka ka wacyigeliyaan, una sheegaan in aanu waajib diini ah ahayn tacadiga haweenka, gaar ahaan gudniinka Fircooniga ah, madaama oo waalidka sameeya falalkaasi ay u haystaan in ay arrin diini ah tahay.

Leave a Reply