Sidee ayaa Ilmahaaga u bari kartaa ilaalinta sirta Guriga?

0
677

Hordhac wanaagsan bay noqon jaallayaal inaan idiin sheego qoraalkan soo socda in uu qaadaadhigi doono habka ilmuhu u dhowri karo waxyaalaha idiin gaarka ah, arrimaha gurigana uusan ugu gudbin dad idinka fog. Dhowrista siraha gurigu waa qodob tarbiyadeed muhiim ah si ilmahaagu sabab ugu noqon sirtu gurigaaga dibadda ugu baxdo. Qoraalkaan waxaan rabaa inaan kugu soo gudbiyo inaad adigu [waalidow] jiiraysid xayndaabka gaarka u ah ilmaha.

Sidee u jiirnaa xayndaabka u gaarka ah ilmaha?

Waxaan daawanayey “Family film” shidan, sheekadiisu waxay ku salaysnayd boombale. Waa sheeko igu cusub. Qoraagu waxa uu kasoo dheegtay sheekada inta uu la socday ilmihiisa yar, dabadeed waa faafiyey suuq ballaaranna way heshay. Mar qura ayaa ilmaha yar afka lagu wada qabtay, cid waliba way garan faahfaahinta noloshiisa, alaabtiisii ciyaarta uu jeclaa waa laga daba dhacay, carruurta dunida oo dhanna waxaa looga soo saaray xaddi aad u ballaaran.

Muuqaallada qaar ayuu kasoo muuqday isagoo gabadha gacanta ku haysa ka weyddiinaya khariidadda caalamka meel aan laga aqoon ee uu ku noolaan karo!

Aabbihii ayuu cunugu la sheekaysanayey marna la ciyaarayey, waxa uu doonayey wakhti badan inuu la qaato, naanayso ay u bixiyaan xayawaanaadka kaynta ku nool lugtana wada maalaan. Intaas uun buu naawilayey. Waxaase dhacday dunida oo dhami inay sheedda kala socotay.

Waxaan daawaday muuqaal laga soo jaray mid ka mid ah barnaamijyada aan jeclahay ee caanka ah ee Maraykanka laga daawado. Waa muuqaal gabar saddex jira oo muraaradillaacsan hooyadeedna muuqaal ka duubayso kadib markii ay u sheegtay fannaanka ay taageerto inuu guursaday. Aad ayuu muuqaalkii u baahay ilaa warbaahinta caanka ah lagu marti qaado. Waad ka dareemi kartaa wejiga gabadha yar ee dadka uga warramaysa arrin iyada iyo hooyadeed u dhexaysey. Kulanka inta uu socday ayey wariyuhu guddoonsiisay dhar ay dhan kasta wadnayaal iyo sawirka fannaanka uga xardhan yihiin. Waa dhar aad loo dhalan rogay nuunada yarina aanay waxba ka fahmin.

Hooyada mar ay weriyuhu wayddiisay siday u duubtay muuqaalka waxay tiri: “Iyadoo dukaanka dhex lugaynaysa taleefankana gacanta ku haysta ayaan kula faqay. Waxaase kedis igu noqotay oohinteeda, waan aamusiyey, mar kale oon gaariga kornay ayaan ku celiyey waana ka duubay!”

Weriyihii waxay ka dhawaajisay war culus, si kedis ah ayey fannaankii qudhiisa ugu yeertay si gabadha ula kulansiiso ubaxna u guddoonsiiyo. Nuunadii yarayd mar qura ayay dib u guratay oo dhabta hooyadeed aamusnaan madaxa ula gashay. Inta muuqalka karahtay waxaan beegsanayey isbeddallada wejiga nuunaha fiigsan ee la tacaalaya fahamka waxa dhacay!

Carruurtu waxay leeyihiin baarinimo laddifan. Qof ahaan waxaan ku dadaalaa cidna inaan u sheegin sheekooyinka fasalka ka dhex dhaca ee maadda iyo qosolka ah marar badan waan ku fashilmaa keydinta sirtooda. Ilaa inteebaa wadaysaa faafinta sirtahaas?

Dhowrista arrimaha u gaarka ah qofka

Gundhigga hadalkeenu waa sida aynu ilmaha u bari karno ilaalinta siraha guriga. Waa arrin aad u sahlan intii aynu ka soo hadalnay innagoo kaduulayna waxaad ku bari kartaa ilmahaaga macnaha siraha guriga iyo sida loo ilaaliyo tallaabooyinkaan fudud ee soo socda:

Samee adigu waxaad rabi lahayd in aad ka aragto ilmahaaga

Ilmuhu waxa uu si wanaagsan wax ugu bartaa I tus oo i taabsii. Tusaale; intaadan boorsadiisa furin haddii aad weydiiso inaad furi karto waxa uu ku weyddiinayaa taada intaanu furin. Sidaas darteed alaabtiisa intaadan adeegsan waa inaad weyddiisaa.

Aan si qeexan u sheego waxyaalaha muhiimka u ah xayndaabka qofnimo ee ilmaha. Tusaale; qolka, dharka, alaabta ciyaarta. Dhammaan ilmaha ayaa iska leh. Milkiyaddaadu waxay ku ekayd markaad guddoonsiisay. Waxaa muhiim ah inaad dhowrtid lahaanshiyihiisa, oggolaanshihiisa keliyana ku adeegsatid haddii aad tuuraysidna sidoo kale.

Garaac albaabka mar-kasta

Garaac mar kasta xataa haddii uu albaabku u furan yahay. Gaar ahaan haddii aad aragto inuu kaa dhuumanayo si uu fal u geysto, sii fursad uu ku dhammaysto, markaas ka gadaal raadi sidii aad ku xallin lahayd. Arrinkaasi ilmaha waxa uu baraya idan weydiisasho inta aanu qof u gelin.

Ilaali sirihiisa

Sheeko kastoo idin dhex martay waxaa ka caaggan gudbinteeda duubistuna kuma ba sii jirto. Xusuuso wanaagsan inaad ilmahaaga ka duubtid waa arrin wanaagsan waase in guriga ku ekaadaa. Yaraantiisa adoo cuskanaya kuuma oggalanayso sawirro qaab daran in aad baraha bulshada uga faafiso.

Cawradiisa ilaali

Haddii aad jirkiisa dadka wada tustid ama aad qolka dhexdiisa meel dadku wada joogo dharka uga bixisid haba ahaadeen walaaladiis ama qof qoyska ka mid ah, hadhow haddii dadka hortooda uu sidaa yeelo waxaa kugu adkaan doonta inaad u sheegto ceebnimada arrinkaas!

Ha u oggolaan warlownimada

Marka ilmahaagu kuu yimaado si uu kuugu sheego waxa uu deriska ku soo arkay, guriga qaarabada ama midka saaxiibbadii, fahantaana warku in uu sir la xiriiro; si deggan ugu sheeg in aadan rabin inaa maqasho ku-tiri-kuteenta iyo siday waajibka u tahay ilaalinta siraha guryaha aan tagno ama isaguba tago.

Hadalkiisu haddii uu yahay werin, inta aanu dhammayn weydii qofka uu kasoo werinayo inuu ka fasax qaatay. Faduulnimadaada oo aad xejiso waa waxa ilmahaaga berri kara ilaalinta siraha gurigiisa iyo tan qoyskiisa iyo kuwa kale waxyaalaha u gaarka ah. Waxaa waajib ah inaynu isaga digno dhaqammada aadka u xun ee dadka qaar ku kacaan, sida ciyaalkooda oo ay qabadsiiyaan kuna dhiirrigaliyaan xuuraamidda siraha guryaha. Badanaa waxay ka bilaabataa sheekadu guryaha qaraabada. Aad isaga jir dhaqankaas inaad u dhawaatid wax kasta oo dhaca!

Ku dayashadu waa qaabka ugu sahlan barbaarinta. Waxay u muuqataa macno buuran mid aan lahayn marka hore halka ilmahaagu qabanayo dhaqdhaqaaqaaga bilaa falcelin, hal mar se kugu kadiyo tillaabo tillaabo inuu kuu jilayo. Sidaas darteed ku dadaal waxa uu ilmuhu kaaga dayanayo inuu noqdo waxaa rabtid inaad bartid qaab dhaqankaaga iyo hadalkaagaba.

Barbaariyow haddii aad rabtid ilmahaaga inaad bartid dhowrsanaanta ilaali xayndaabkiisa qofnimo.

W/Q: Nada al-Qasbi

W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Leave a Reply