Wasiirka Warfaafinta oo Kormeer ku soo maray Qaybaha kala Duwan ee ay ka Kooban Tahay Wasaaraddu

0
357

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafintu.

Waxaa wasiirka kormeerkiisa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil, qaar ka mida agaasima waaxeedyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta.

Wasiir warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa intii ay ku gudda jireen kormeerkoodan waxaa ay mid mid u soo kormeereen dhammanba waaxyaha iyo qaybaha ay ka kooban tahay wasaaraddu, isla markaana warbixino ka dhageystay agaasima waaxeedyada wasaaradda.

 

Leave a Reply