Isku Duwaha W. Caafimaadka Sool oo Xadhiga ka Jaray MCH laga Hirgeliyay Deegaanka DAN

0
519

Boocame (Dawan): Isku duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay deegaanka Dan oo ka tirsan degmadda Boocame.

Xadhig ka jarista MCH-kaasi waxaa isku duwaha caafimaadka Sool ku wehelinayay maayarka degmadda Boocame Faarax Cali.

Xaruntan caafimaad ee uu isku duwuhu xadhiga ka jaray waxaa qaab isku tashi ah ku dhistay dadka deegaanka Dan.

Waxaanu iskuduwaha caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif, isla maantaba xaruntaasi gaadhsiiyay qalab caafimaad, Sarriiraha bukaanka loogu tallo galay iyo daawooyin.

Isagoona xusay in ay ka wasaarad caafimaad ahaan in masuuliyad iyo waajib ka saaran yahay sidii ay xaruntaasi u noqon lahayd mid shaqaysa.
Iyadoo la horumarinayo adeegyadda iyo shaqaalaha ka hawl gelaya xaruntaasi caafimaad.
Sidoo kale Dr. Khaliif, waxa uu balan qaaday in wixii daawo iyo qalab ah ee ka dhiman xaruntaasi ay si dhakhso ah ugu soo dhamaystirayaan.

Geesta kale, iskuduwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa bulshadda deegaanka Dan ku bogaadiyay isku tashiga ay la yimaadeen ee ay ku dhisteen MCH-kaasi.

Geesta kale maayarka degmadda Boocame Faarax Cali Ibraahim, ayaa isna ku amaanay bulshadda deegaanka Dan isku tashigoodda ay ku dhisteen xaruntan caafimaad.

Dhinaca kale, odayaasha, waxgarad iyo bulshadda deegaanka Dan ayaa soo dhaweeyay furitaanka xaruntan caafimaad.

Iyagoona sheegay in ay baahi weyn u qabeen helitaankeedda, isla markaana markii hore ay dhibaato ku qabeen sidii dadka bukoodda adeeg caafimaad loogu heli lahaa.

 

 

 

Leave a Reply