Sawirka Aad Muuqaalkan Moodo Ayaa Sheegaya Qofka Aad Tahay!!

0
810

Qof kasta oo laxaadka aragga qabaa waxa uu arkaa muuqaallo humaag ku jiro oo marka u horreysa ee uu eego maskaxdu sawirro kala duwan ka qaadato. Waaba sida kurtinkii, bahalka ula ekaaday Cigaal Shidaad, ama xiddigaha qolfoofka neefka Geela ah inoola ekaaday ee aynu u bixinnay awrka cirka. Laakiin hadda arrinta cusubi waxa ay tahay xeeldheereyaasha oo sheegay in hadba sawirka uu muuqaalka humaaggu ku jiraa kula ekaanayaa in laga garanayo wax badan oo ku saabsan shakhsiyaddaada iyo qofka aad tahay.

 

Qoraal xiise badnaa oo ay arrintan ka samaysay shabakadda ‘Tarbiya Dakiyah’ oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa soo qaadatay sawiro muuqaallo kala duwan laga qaadan karo, kaddibna qof kasta muuqaalka uu moodo ayaa ay u sheegaysaa shakhsiga uu yahay.

Haddaba sawir kasta eeg adiga oo aan eegayn waxa ku hoos qoran, kaddibna muuqaalka uu marka koowaad kula ekaado, markaas kaddibna akhri qoraalka ka hooseeya si aad u garato shakhsiyaddaada.

 

HADDABA MUUQAALKAN DEYMADII KOOWAAD HADDII AAD MOODDAY:

 

Rah

Dad sawirkan la tusay badankoodi deymadii koowaad waxa ay fahmeen in uu yahay rah. Haddii aad ka mid tahay kuwaas raha moody waxa aad tahay qof furfuran. Waxa aad isku daydaa in aad noqoto qof qof run sheeg badan, in uu dadka kale si toos ah ula macaamilana jecel wax kasta oo dhaca. Dadka kale waxa ay kuu yaqaannaan ruux la isku hallayn karo oo kalsooni mudan. Hadalkaaga kuma badna duurxulka iyo in aad si dadban farriimo ugu gudbiso, sidaas dadku taladaada iyo aragtidaada waa ay qaataan.

 

Faras

Haddii aad deymadii koowaadba muuqaalkan faras madaxii moodday, waxa aad tahay shakhsu mufakir ah. Maskaxdaadu waxa ay awood u leedahay lafagurka iyo goryfaynta arrimaha.

 

Ma tihid dadka sida fudud arrinta muuqaalkeeda duleed uun ku qaatay. Waxa leedahay dabeecad aad wax ku naqdiyo karto, waxa aanad doorbiddaa in mawqifka aad qaadanaysaa uu noqdo mid adiga kaa yimi.

 

HADDABA MUUQAALKAN DEYMADII KOOWAAD HADDII AAD MOODDAY:

 

SADDEX BUTI

Haddii markii aad sawirkan eegtayba uu kula muuqday saddex xayawaanka butida loo yaqaanno ee cidhifyada adduunka ee barafleyda ah ku nool; macnaheedu waa in qaabka aad u fikirtaa ay tahay qaab lafagur iyo gorfayn ah.

Waxa aad tahay dadka nooca jecel in dhibaatada loo xalliyo qaab maangal ah oo nidaamsan. Waxa aad isku daydaa in dhibta aad u qaybiso qaybo (Goballo) kala duwan, kaddibna qayb-qaybtaas loo galo fahamkeeda iyo xal u heliddeeda. Habdhaqankani waxa uu caawiyaa in la fahmo, si wax ku ool ahna loo xalliyo.

 

BUURO

Haddii qacdii koowaadba aad sawirkan u aragtay buuro, markaad u fiirsatay kaddibna aad aragtay xawaanka butida, waxa aad tahay dadka Alle ku abuuray dareenka iyo garashada sare ee u dhalashada ah, waxa aad kalsooni badan ku qabtaa abuurtaada, inta badanna kalsoonidaas waa aad ku guulaysataa.

Waayo-aragnimadaada ayaad u adeegsataa in dhibaatooyinka aad si dhaqso ah u xalliso, inta badanna kuma hungawdid. Awoodaha mujicsada ah ee aad leedahay waxaa ka mid ah in maskaxdaadu ay si dhaqso ah isugu xidhi karto meelaha ay isaga eegyihiin go’aamada iyo dhacdooyinka kala duwani. Arrintani waxa ay caawisaa in si dhaqso ah aad u hesho xalka ku habboon dhibtada ku hortaaalla. Laakiin haddii marka hore aad u aragtay buti, waxa aad tahay shakhsi aragti duleed ku eega dhibaatooyinka, sidaas awgeed xalkoodu ka fogaado.

 

Muuqaalkanna deymadii koowaad haddii aad moodday:

 

LABA DABAGAALLE OO LAAN GEED SAARAN MISE WEJI HAWEEN

Sawirkan dadka badankoodu waxa ay markaba si fudud uga arkayaan laba dabagaale oo laan geed ku fadhiya. Sababtuna waa dadka oo marka horeba u badan. Waa dadka mawqifka ama arrinta hortaalla si duuduub ah markaba isha ugu wada dhufta iyaga oo aanu dadaal ka bixin. Haddii aad dadkan tahay, xirfaddaadu waxa ay kaa caawinaysaa in aad qiimayn karto mawaaqiifta kaa hor yimaadda, in aad aragtida koowaad faham fiican kaga qaadan karto xaaladda la doonayo in aad wax ka tidhaahdo ama dhibaatada la doonayo in aad xalkeeda raadiso.

WEJI HAWEEN

Dad aad u yar ayaa awoodaya in sawirkan ay ka dhex arkaan weji haween. Dadkaasna in aad u tiro yar oo ka mid ah ayuunbaa awood u leh in ay deymada koowaad ama dadaal la’aan arkaan wejigaas. Haddii dadaal kaddib aad wejigaas marnaba ka arki weyday muuqaalkan, in yar madaxa dhinaca bidix u qallooci, ama sawirka inta aad aad u yarayso ka durki indhaha. Waxa aad arki doontaa labada dabagaale oo midkood uu isu beddelay debnihii weji haween, midka kalana uu noqday mid ka mid ah labadeeda indhood.

Haddii aad wejigan aragtay waxa aad tahay qof leh shakhsiyad inta badan ee dadka ka duwan dhinaca maskaxda iyo fikir wanaagga. Waxa aanad awood u leedahay in aad wax ka aragto ama ka dareento meel aan inta badan dadka dhaqso ugu muuqan. Tasa oo aad kaaga caawisa shaqadaada iyo xidhiidhadaada bulsho labadaba

 

Muuqaalkanna deymadii koowaad haddii aad moodday:

 

NIN MURAAYADDA INDHAHA SITA

Haddii sawirkan deymadii koowaadba uu kula muuqday nin muraayadda indhaha isticmaalaya, waxa aad ogaataa inaad tahay shakhsi jecel in arrimaha uu ka go’aan qaadanayo ama erey ka odhanayo marka hore sawirkooda guud uu wada helo.

Ma jeclid in aad qadiyadda marba dhinac ka eegto iyo in aad ku go’aan qaadato arrin aanad xogteeda oo dhinac kasta ah haynin.

Waxa kale oo ay muujinaysaa in aad tahay shakhsi awoodda fikir ee maskaxdiisu sarrayso oo dhowr deymo oo degdeg ah ku aqoonsan kara xaaladda hortaalla, waxa aad awood u leedahay in xogta aad u baahan tahay aad urursato.

 

GAADHI

Haddii deymadii koowaadba aad gaadhi aragtay, waxa aad mudan tahay in laguugu majeerto dhugmo iyo fiira dheeri aad si faahfaahsan u fahamto arrimaha. Waxa aad tahay dadka jecel in shay kastaa uu ku socdo qorshe dejisan. Laakiin taasi ma sababto in ay go’aamadu waqti dheer kugu qaataan.

FIIRO GAAR AH

 

Sawirka haddii aad in badan u fiirsato, waa uu ka baxayaa macnihii aynu ka lahayn, ujeedadu waa deymada koowaad ee aad isha qac ku siiso waxa uu kula ekaado.

 

Qofka aad tahay, shakhsiyada, qof kasta, dabeecadaha, sawirka

Qofka aad tahay, shakhsiyada, qof kasta, dabeecadaha, sawirka

Muuqaalkanna deymadii koowaad haddii aad moodday:

 

WEJI DUMAR

Haddii aad markaba aragtay weji dumar, macnaheedu waa in aad leedahay wacyi iyo dareen mar kasta ku baraarugsan waxa hareerihiisa ka socda. Waxa aad awooddaa in aad si fudud u ogaato xaqiiqooyinka ku xeeran. Taasina waxa ay kaa caawinaysaa in aad mar kasta la soo baxdo natiijo fiican iyo in aad hanato afkaar cusub.

UBAX

Haddii aad aragtay ubax, waxaa laga yaabaa in aad jeceshay dabeecadda iyo deegaanka dabiiciga ah. Waxaad aad u tixgelisaa dunida kugu xeeran.

Waxa aad xariif ku tahay marka aad u baahato in aad si fudud uga baxsato dhibaatooyinka nololeed ee maalinlaha ah.

W/D: Kamaal Marjaan

 

Facebook page: Marjaan

Leave a Reply