Ka Hor inta Aanad Shaqo Xaraysan Maxaad U Baahan Tahay?

0
1058

Talooyin kooban.

Ka hor inta aanad shaqo xaraysan maxad u bahan tahay?

Shaqaddu ma tahay mid aan ka so bixi karo haddan ku guulaysto. Haddii aanad fahansanayn heerka shaqadda la rabo la kaasho qof kale si uu ku fahansiiyo.

CV’s kala duwan soo qaado, asxaabtada waydiiso kuwa shaqo galay.

Copy and paste ha ku samayn. Isku day inad curiso mid ka qurux badan xata kooda. CV la isla ogol yahay inuu yahay ka ugu fiican ma jiro. Hadba kii xogta uu sido si qurux badan u so gudbiya adna si fiican ku iibin kara ayaa ugu fiican.

Saaxiib-kaga aad ku kalsoon tahay la wadaag diyaarintada si uu kaga hubiyo. CV-gu sir maha waa muhiim in qof kale ka hubiyo waayo wax badan oo aadan arkayn ayuu ka sixi kara.

Date-ku waa muhiim. Iska hubi wakhtiyadda aad qoraynayso inayna iska hor iman.

Intan ku dedaal in aanad samayn

Si aanad u niyad jabin shaqo aad og tahay inay aad u sarayso ha codsan.

Luuqad aanad adiguba fahmayn ha ku qorin CV-ga. Gaar ahaan haddii application/cover letter lagaga baahan yahay. Isku jaangoo luuqada aad isticmaalayso iyo heerka aad markaas tahay. Copy-ga and paste halkan oo kale jar bu ka tuuraya, sawir qaldana wuu ka bixinaya.

Wax aan laga codsan CV-ga ha raacin, sida shahaadooyinkaaga, recommendation letters. Hadday se tahay inaad raaciso ha ilaabin.

Ha sugin inaad maalinta ugu danbayso xarayso. Beenaha fakaday waxaa kamida CV-yadda loogu hor diro lama eego, kuwa ugu danbeeya la fura. Taas cagsigeeda waxaa dhici karta in position deg deg loogu baahan yahay oo aan ba la sugin ba deadline-ka. Waana lagu xusa job advert-yada qaar.

Ha ka caajisin update-garaynta CV markasto aad shaqo cusub xaraynaso.

Inta aad jamacadda ku jirto ku dedaal in aad internship hesho, council-ka ardayda ka qayb qadan karto, part time shaqo ku tuuran karto wakhtiyada fasax tahay. CV-gay ka caawinaysa markad qalin jabiso.

Shaqo aad xaraysatay haddii lagugu yeedho, oo tusaale naga sii lagu yidhaa wax gaara oo CV-ga kugu qoran ama si guud lagu waydiiyo wixii aad soo qabatay. Ha ahaato markad intern-ka ahayd, part time job ama project-gaara oo aad qabatay intaad ardayga ahayd. Tusaalaha aad bixinayso qaacidadan ku fadhiisi (STAR). Waxay ka caawin doonta inaad nuxurka tusaalaha si fiican isu dul taagto. Panel-ka interviews sameeyanayaana badana intaas uunbay wax ka eegan. Follow up questions-kuna inay yaradaan waa macquul.

Situation: Set the scene and give the necessary details of your example

Task: Describe what your responsibility was in that situation.

Action: Explain exactly what steps you took to address it.

Result: Share what outcomes your actions achieved.

Inta iga aqoonta badan ayaan u dhaafay wixii aan ka tegay. Sixiduna u furan tahay.

Halka waxaa ku eeg qoraalada dhankayga ka iminayey. Waxan ku mashquuli doona dhallinta badan ee fariimaha ila wadaagtay muddadii an qabsanay inta ka hadhay.

 

W/Q: Mustafe Hussein

Leave a Reply