Guddida Dhismaha Wado-bariis oo qaadhaan-lacageed kala wareegay Jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka

0
339

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Guddida Dhismaha jidka laamiga ah ee Waddo-bariis,ayaa lagu wareejiyey kaalmo lacageed oo ay soo direen dad kamida Jaalliyada Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta.

Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo ay guddidu lacagta kula wareegtay, ayaa waxa ka qaybgalay maamulka iyo xubnaha guddidaasi oo qaadhaanka ka guddoomay Wakiilka lagu soo hagaajiyey oo ah Oday Maxamuud Cabdi Jabane.

lacagtan qaadhaanka ah oo tiradeedu dhantahay toban kun oo Dollar ($10,000), ahna Taakuladii ugu horaysay ee ay jaaliyadaha dibadu kaga qayb-qaadanayaan dhismaha waddadaasi, ayaa waxa soo diray xubno ku dhaqan Imaaradaha Dubai, Shaariqa iyo Abu dhabi, kuwaasoo ka soo jawaabay baaq ay hore guddidu ugu dirtay bulshada Somaliland ee gudaha iyo dibada oo ay ka dalbadeen in laga qayb-qaato dhismaha jidkaasi oo muhiim u ah isku-xidhka deegaamo badan oo dhaca Koonfur-galbeed Hargeysa ilaa degmada Xarshin oo kamida gobolka Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Oday Maxamuud Cabdi Jabane oo ah Wakiilka lagu soo hagaajiyey deeqdan oo ugu horayn halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ay tabarucaadkan soo bixiyeen dad is-abaabulay oo koobani, kuwaasoo isu xilqaamay in ay ka qayb-qaataan dhismaha jidkaasi.
Waxa uu sheegay in qaadhaan-bixiyeyaashu u soo wakiisheen in uu guddida ku wareejiyo qadar lacageed oo ay soo gaadhsiiyeen oo ah toban kun oo Dollar, taasoo uu iyadoo kaash ah ku wareejiyey guddoonka iyo xubnaha guddida.

Guddoomiyihii hore ee guddida mihnadeyaasha Caafimaadka Qaranka Dr. Axmed Xaashi Oday, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Sh. Cabdiraxmaan oo labadooduba ka tirsan guddida iyo xubno kale oo iyaguna kamida guddida oo halkaa ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey qaadhaan-bixiyeyaasha lacagta soo gaadhsiiyey, kuna booriyey cid kasta oo gacan ka geysan karta inay ka qayb-qaadato mashruucaas.

“Wado-bariis waa waddadii raashinku intuu Bulla-xaar ka yimaado, dhagax-buur ka tegi jiray, waa wado weyn oo mustaqbal leh, waa wado ganacsi, markaa waxaan rajjeynayaa in laga soo wada qayb-qaato”ayuu yidhi Dr. Axmed Xaashi Oday oo si weyn ugu mahad-naqay dadka taakulada soo gaadhsiiyey.

Xubnaha guddidu waxa ay sheegeen in howsha wadadu si fiican u dhaqaaqi doonto,marka uu dhamaado diyaar-garowgeeda wajiga labaad, ka qayb-qaadashadeedana laga filayo qof ilaa Qaran, iyagoo si weyn ugu mahad-naqay Jaaliyadda Imaaraadka oo iyagu taakuladii ugu horaysay ee dibadeed soo diray.

Wadadan oo toobiyaheedu toos isugu-xidhayo Magaalada Hargeysa iyo deegaamada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee xidhiidhka Ganacsi iyo bulsho ka dhexeeyo Somaliland, ayaa hadda ku jirta marxalad banayn ah oo la dhaqaajiyey masaafo dheer, waana mashruuc dhamaystirkiisu wakhti qaadanayo, balse u baahan in Dawlad iyo shacab laysu-kaashado.

Leave a Reply