Booliska Somaliland howlgallo culus oo joogto ah bilaabay

0
422

Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ayaa bilaabay howlgal culus oo kor loogu qaadayo xaalada nabad-gelyo ee dalka, kaasoo ay Ciidanku habeennadii u dambeeyey ka fuliyeen inta badan magaalooyinka waaweyn.

Howlgalkan oo qayb ka ah shaqadii caadiga ahayd ee Ciidanka, laguna dardar-gelinayo amniga magaalooyinka, ayaa waxa aay ciidanku ka sameeyeen Magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco iyo Laascaanood, waxaana waddooyinka magaalooyinkaasi la dhigay Ciidan tiro badan oo baadhitaan ku samaynaya gaadiidka xilliga habeenkii.

Ma jiro war faahfaahinsan oo ay Ciidanku ka soo saareen howlgalkan iyo waxa keenay, hase yeeshee sida ay sheegeen qaar kamida Saraakiisha Ciidanku ujeedada ayaa ah sugida nabad-gelyada la adkeeyo iyo in laga hortago wax kasta oo keeni kara amni-darro.

Baadhitaan xooggan ayaa lagu samaynayaa gaadiidka iyo dadka wata. Booliska ayaa Su’aallo waydiinaya wadeyaasha gaadiidka qofkii ay ka shakiyaan.

Ciidanka howlgalka fulinaya ayaa isugu jira ciidanka nabad-gelyada waddooyinka iyo Booliska kale ee caadiga ah.

 

Leave a Reply