Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku Shaaca ka Qaaday Xilliga la Bilaabaayo Kaadh Bedelka

0
480

Hargeysa (Dawan): Koomiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay xilliga la bilaabaayo kaadhadh beddelka degmo doorashooyinka iyo sidoo kale bixinta kaadhadhkii lumay.

Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, mudane Cabdirashiid  Maxamuud Riyo Raac ayaa sheegay in 15 bishan la bilaabi doono kaadhadh beddelka iyo sidoo kalena bixinta kaadhadhkii dadka ka lumay, iyada oo hawshaas laga bilaabi doono 23-ka degmo doorasho ee dalka oo dhan.

Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiye Cabdirashiid Riyo Raac in dadkii wixii ka dambeeyey sannadkii 2016-kii guur guuray ay ugu talo galeen fursadda kaadhadhka lagu bedelaayo ,isla markaana loo bedelaayo degaanadooda ay degan yihiin waqtigan, waxaanu tilmaamay in lagu xidhi doono shuruudo dadka uu kaadhka codbixintu ka lumay iyo ka loo bedelaayo.

Waxaana kamid noqon doona shuruudaha lagu xidhaayo dadka kaadhka loo bedelaayo , shuruudahan soo socda’  waxaanu yidhi. “Inuu qofku joogo goobta uu u bedelanaayo, inuu tago xarunta ugu dhow ee shaqadaasi ka socoto, inuu qaato Kaadhkiisii hore si looga bedelo kaadhkaas,  inuu buuxiyo foomka codsiga ee goobtaas Yaalla, inuu caddeeyo sababta uu degmada cusub ugu soo guuray”

Waxa sidoo kale jiri doona shuruudo lagu xidhi doono qofka uu kaadhku ka lumay oo noqon doona “Inuu qofku tago goobta ugu dhow ee hawshu ka socoto, inuu foomka buuxiyo, inuu ku dhaarto  inuu kaadhkii ka lumay”

Waxaanu koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ku wargeliyey  shacabka reer Somaliland in bishan labaad 15-keeda ay 120 goobood oo dalka ah ka bilaabmayso hawsha kaadh bedelka degmo doorasho iyo bixinta kaadhadhkii lumay, iyada oo shaqadaasi socon doonto muddo 10 cisho ah iyo 4 maalmood oo lagu dari doono 6 caasimadood ee goboladda dalka, waxaanu yidhi. “Bishan 2/15/2021-ka, inay ka bilaabmi doonto 120-goobood, oo dalka ku yaala, dhab ahaantii markii hore waxa ay ahayd in degmooyinka oo kaliya laga qabto, balse guddida doorashooyinku markii uu eegay baaxada iyo dhulku intu isu jiro, tiraddii waala kordhiyay iyada oo xuduudaha si gaara loo eegay marka haddii ILLAAHEY yidhaaho boqol iyo labaatan goobood ayay ka qabsoomi doonta.

Mudada hawshaasi soconaysaana waa toban cisho, oo goob kasta ay oolayaan iyo afar cisho oo dheeriya, oo ay ooli doonto lixda caasimadood, ama lixda degmo ee caasimadaha ku yaala marka sidaasi haloola socdo.”

Dadkii is diwaangeliyay sannadkii 2020 iyo 2021-ka in aanay iyaga suuragal u ahayn, isla markaana aan loo baddelayn degmo doorashadii ay iska diwaangeliyeen. “Waxaa muhiima iyada dadkii la diwaangeliyay 2020-ka iyo 2021-ka, in  aanay iyagu marka hore kaadhba haysan ee ay baddelaan, ama kaadh ka lumay oo ay baddeshaanba aanay jirin, marka waxaa aanu u sheegayna sannadkan in aanay ku jirin ciddi diwaangelinta gashay shaqada la qabanayo, qofna yaanu ku lugu’in, qofna yaanu danahiisa u baabi’in kaadh ma baddelan karaan waxaa baddelanaya waxaa guuray iyo kuwa 2016-kii diwaangelinta galay oo qudha ”

Leave a Reply