“Dadweynaha Sool aad bay ugu heelan yihiin in la soo gaadhsiiyo lacagta Somaliland”

0
634

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa sheegay in deegaamo ka tirsan gobolkaasi ay markii u horaysay ka qabsoontay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee dhawaan dalka laga hirgeliyay.

 

Deegaamadaasi oo uu tilmaamay in wakhtiyadii hore aanay ka dhici jirin doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland ka qabsoomay, isla markaana ay dadweynaha gobolkaasi si weyn isku diiwaangeliyaan

 

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo maanta warbaahinta dawladda kula hadlay magaaladda Hargaysa oo uu hawlo shaqo u joogo ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha gobolka Sool in ay si wanaagsan uga qayb qaataan qaadashadda kaadhka codbixinta.

 

Guddoomiyaha oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Meello fara badan oo aanay doorashooyinku gaadhi jirin ayay diiwaangelintu ka qabsoontay, oo magacyadoodu iska jireen, oo Laascaanood iyo agagaarkeedda ah.

 

Laakiin, imika dhinaca xadka aan Itoobiya la leenahay iyo dhinaca Soomaaliyaba way soo taabatay diiwaangelintu. Dadweynuhuna si wanaagsan ayay uga qayb qaateen. Waanan uga mahad celinayaa shacabka”.

 

Badhasaabka ayaa bulshadda ugu baaqay in ay diyaar garoobaan qaadashadda kaadhka codbixinta oo la filayo in ay dhawaan dalka ka bilaabto.

 

Isagoo fariintaasi dirayayna waxa  uu yidhi, “Dadkuna way u heelan yihiin in ay la soo baxaan xildhibaanadda metelaya goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka.

 

Dadka waxaan u dirayaa fariin, waxaanan leeyahay kaadh qaadashadii ayaa soo dhaw, waana in ay kaadhadhka si fiican u qaataan”.

 

Geesta kale badhasaabka Sool waxa uu sheegay in guud ahaanba bulshadda gobolkaasi ay baahi weyn u qabaan sidii loo soo gaadhsiin lahaa isticmaalka lacagta shillinka Somaliland.

 

Waxaanu xusay in waayadan danbe ay magaaladda Laascaanood dhibaatooyin sicir barar ka abuurtay lacagta Soomaaliga oo laga isticmaalo, hase yeeshee ay bulshadu baahi weyn u qabaan heli taanka lacagta Somaliland.

 

Waxaanu yidhi, “Dadweynaha Sool aad bay u soo dhaweeyeen in lacagta shillinak Somaliland la soo gaadhsiiyo. Aad baanay ugu heelan yihiin dadweynuhu. Waanan sugaynaa inta la soo gaadhsiinayo.

 

Dawlad ahaana waan u balan qaadnay shacabka Sool in lacagta Somaliland loo keenno, oo shillinka Somaliland uu ka shaqeeyo. Maanta Laascaanood dollar keliya ayaa ka shaqeeya”.

 

“Waan uga mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland iyo haayadaha ku shaqadda leh, in ay bulshadda Sool u sii daayeen inta lacagta Somaliland gaadhsiinayo in ay sii isticmaalaan faragshanka lacagta dollarka” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Leave a Reply