Gaadiid Lagu Wareejiyey Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Waxbarashada

0
401

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa shalay 7 baabuur ku wareejisay wasaarradaha caafimaadka iyo waxbarashadda.

 

Baabuurtaasi ayaa laga maalgeliyay kharashka lagu soo iibiyay sanduuqa horumarinta Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SDF.

 

Kuwaasoo hore uga hawl geli jiray goboladda Sool iyo Sanaag, isla markaana lagaga shaqeeyay mashaariic laga waddo goboladaasi.

 

Gaadiidkaasi ayaa loogu tallo galay in lagu fuliyo hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Xasan Gaafaadhi, oo baabuurtaasi wasaarradahaasi ku wareejiyay.

 

Waxaana wasaaradda caafimaadka lagu wareejiyay afar baabuur oo ka mida gawaadhidaasi, halka saddex ka mida gawaadhidaasi lagu wareejiyay wasaaradda waxbarashadda.

 

Wasiirka qorshaynta qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa ka warbixiyay tiradda gawaadhidaasi iyo wasaarradaha ay ka hawl geli doonaan.

 

Waxaanu yidhi, “Waxaan saaka (shalay) ku wareejinayaa wasaaradda caafimaadka afar baabuur, oo ka mida 7-daasi baabuur. Kuwaasoo hore uga shaqayn jiray goobaha caafimaadka ee Laascaanood iyo Ceerigaabo.

 

Waxa kaloo aan ku wareejinayaa wasaaradda waxbarashadda, saddex gaadhi ooh ore uga shaqayn jiray, labadda dugsi ee Boodhinka ah ee Laascaanood iyo dugsiga Boodhinka ah ee Dayaxa”.

 

Waxaanu intaas raaciyay, “Gawaadhidaasi waxay tegayaan deegaamadii iyo mashaariicdii ay hore uga shaqayn jireen, si ay u sii fuliyaan adeegyadii loogu tallo galay in ay qabtaan mashaariicdaasi.

 

Baabuurtaasi waxaa la wareegaya wasaarradaha caafimaadka iyo waxbarashadda, waxaana lagu dhejinayaa lanbarka dawladda” ayuu yidhi wasiirka qorshayntu.

 

Geesta kale wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Cali C/laahi Bede, iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda oo wasiirka qorshaynta ka guddoomay gawaadhidaasi ayaa tilmaamay in ay baabuurtaasi ay ka qayb qaadan doonaan shaqooyinka ay wasaarradahani qaranka u hayaan.

 

 

 

Leave a Reply