Dacawaley: Qoys dhibaato caafimaad hayso oo taakulo la gaadhsiiyey

0
368

Dacawaley(Dawan)-Qoys Xoolo-dhaqato ah oo haysta dad xanuunsanaya oo ku dhaqan deegaanka Dawacalay oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa la gaadhsiiyey Taakulo lacag ay u soo direen dad muxsiniin ah oo dalka dibadiisa ku dhaqan.

Lacagta Qoyskan la gaadhsiiyey , ayaa lagu soo hagaajiyey qaar kamida ehelada Qoyskaasi oo iyaguna ku wareejiyey.
Lacagtan oo Qadarkeedu dhanyahay $2000 (laba Kun oo dollar), ayaa waxa u soo diray afar qof oo kala duwan, kuwaasoo uu kamid yahay Ismaaciil Daa’uud Ismaaciil oo kamida qurbo-joogga dalka Sweden oo soo gaadhsiiyey kun iyo shan boqol oo dollar ($1500).
Oday Xuseen Ibraahim oo isagu lacagtaasi loogu soo hagaajiyey qoyska, kaddibna ku wareejiyey, ayaa u mahad naqay cid kasta oo taakulo u soo dirtay Qoyskan dhibaatada caafimaad haleelshay, waxaanu sidoo kale ku booriyey dadka samo-faleyaasha ah in ay taageero u fidiyaan qoyskan.
Xasan Cismaan Khayre oo ah Aabaha dhalay shanta Nin ee xanuunsanaya, ayaa isaguna mahad celiyey dadyowga kala duwan ee soo caawiyey iyo waliba Hay’addaha dawladda ee taakuladu ka soo gaadhay.

Muuqaal:

Leave a Reply