Ururrada Bulshada Rayidka oo ku baaqay in la sii daayo Murrashaxiin la xidhay

0
324

Dallada Ururrada Bulshada rayidka Somaliland, ayaa ku baaqay in xoriyadooda la soo celiyo laba murrashax oo dhawaan xabsiga loo taxaabay.

Murrashaxiintan ayaa waxa xabsiga loo taxaabay todobaadkan horaantiisii, iyadoo aanay wali xukuumaddu wax faahfaahin ah ka bixin sababta loo xidhay.

Hase yeeshee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo ay Murrashaxiintu ka tirsanaayeen ayaa si kulul u cambaareeyey xadhigooda.

Madaxda Dallada ururrada Bulshada rayidka ah oo maanta magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in xadhigga murrashaxiintaasi gef iyo xad-gudub ku yahay geedi-socodka nidaamka dimuquraadiga ah iyo daah-furnaanta Doorashooyinka.

Anwar Cabdiraxmaan Warsame Guddoomiyaha dallada Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSAF) oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay in ay u kuur-galeen sababta ay u xidhan yihiin murrashaxiintaasi “waxaanu ku baaqaynaa in labada murrashax ee ka qaybgelaya Doorashada Golaha Wakiillada iyo Deegaamada la sii daayo”ayuu yidhi Anwar.

Leave a Reply