Nolosha Farxadda Badan!

0
546

Haddii aad doonayso in aad ku noolaato nolol dheer, waa inaad nolosha la wadaagto qof maskax badan,. Waa odhaah ku jirtay daraasad ay sameeyeen kooxo ka socday jaamacadda Aberdeen University oo muddo soo socotay.

Wargeyska The Independent oo daabacay ayaa sheegay in lamaanaha oo is fahmaa ay keento in ay labada qof ba ka badbaadaan Arriimo badan oo ay ku jiraan xanuunada dadka sida xoogan ugu dhaca,gaar ahaana xanuunada Faaliga, Dhiig la’aanta ,Isku Buuqa maskaxda iyo xanuuno kaleba.

Saynisyahanada jaamacadda Aberdeen University oo ka mid ah jaamacaddaha ugu waaweyn ee dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegay in intii daraasadan lagu jiray la sameeyey tijaabooyin kala duwan ,kuwaas oo laga qaaday dad kala duwan,waxaana tijaabadan ka soo baxay in dadka xaasaska ah ee maskaxda badani ay yihiin kuwa ugu nolosha dheer.

Professor Lawrence oo ka socday jaamacaddaasi Aberdeen ayaa sheegay in intii ay wadeen tijaabooyinkan ay arkeen dad badan oo lacago leh, kuwaas oo u sheegay in ay kharash badan ku bixin lahaayeen sidii ay u heli lahaayeen dad maskax badan.

Waxaana uu sheegay in ay ogaadeen intii ay daraasadan wadeen in qofka maskaxda badani,gaar ahaana dumarku ay dejiyaaan caqliga raggooda, halka ay ragga maanka badanina u dul qaataan arriimo badan oo kaga imanaaya dumarkooda oo gefaf ah.

 

Leave a Reply