Masuuliyin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo Xilal la kala Wareegay

0
349

Hargeysa-(Dawan)- Maxamed Siciid Muxumed, agaasime ku xigeenka waaxda idaacadaha Radio Hargeysa iyo Sakariye Axmed Muxumed ayaa soo dhaweeyay madaxda cusub ee xilalka loo igmaday, waxaanay sii sagootiyeen masuliyiinta ay xilka kala wareegeen.

Xasan Maxamed Yuusuf agaasimihii hore ee Idaacaddaha Radio Hargeysa ahna, la taliyaha wasiirka wasaaradda warfaafinta, Maxamed Xasan Cali Waji agaasimihii hore ee waaxda Tv-ga qaranka, ahna agaasimaha cusub ee waaxda dhaqanka, Cabdi Maxamed Jaamac, agaasimihii hore ee waaxda dhaqanka, agaasimihii hore waaxda qorshaynta Cabdiqaadir Dayib Askar ayaa shamaantood sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xilkaas hayeen oo ay gacan ku siiyeen hawl-wadeenadii shaqadaas uga hooseeyay, waxaanay bogaadiyeen masuuliyiinta iyaga badalaysa.

Maxamed Xasan Cali Waji, agaasimihii hore ee waaxda Tv-ga qaranka Somaliland, ahna agaasimaha cusub ee waaxda dhaqanka, agaasimaha  cusub ee waaxda Idaacadaha Radio Hargeysa, Axmed Ibraahin Cali (Axmed Shiine) agaasimaha cusub ee waaxda qorshaynta ahaana agaasimihii hore ee waaxda filimada, Deeq Aw Cali Yiusuf, agaasimaha Cusub ee waaxda Tv-ga qaranka Cabdirisaaq Cismaan Maxamed, oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa ballan qaadeen inay   xilalkaas u gudan doonaan si daacad iyo xilkasnimo leh, kana sii qaadi doonaan halkii ay masuuliyiintii hore soo gaadhsiiyeen.

May be an image of 5 people, people standing and indoor

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa si rasmi ah ugu kala wareejiyay agaasime waaxeedyada cusub iyo kuwii hore isagoo soo dhaweeyay agaasime waaxeedyada cusub, uguna duceeyay in Alle xilalka uu ku asturo.

May be an image of 3 people, people standing and indoor
Maxamed Yuusuf Agaasimaha wasaaradda warfaafintu waxa kale oo uu sii sagoo tiyay agaasime waaxeed yadaas xilalkaas laga nasiyay iyo kuwa laga bedelay oo uu tilmaamay in ay qaranka u soo qabteen shaqo muhiim ah.

May be an image of 3 people, people standing and indoor

Ugu dambayn qaar ka mida shaqaalaha waaxyaha wasaaraddas ay shahaado sharafyo ku maamuusay agaasime waaxeedyadii wareejiyay xillalkii ay mudada soo hayeen.

Leave a Reply