Shirkadda ku guulaystay dhismaha Cusub ee Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka oo la shaaciyey

0
378

Hargeysa (SOLNA) – Guddoomiyaha Gudiga Qandaraasyadda Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Qandaraaskan ay ku soo tartameen 23-shirkadood isla markaana ay Qandaraaskan ku guulaysatay Shirkadda Dhismaha ee Asli.

Guddoomiyaha Gudiga Qandaraasyadda Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa shirkadda ku guulaysatay dhismahaasi kula dardaarmay in ay Qaranka u dhisaan dhisme tayo leh iyaga oo raacaya nashqada wasaaradda Hawlaha Guud.

Muuse Faarax Jaanbiir oo ka mid ah gudiga Qandaraasyadda Qaranka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shirkadda lagu daba geli doono tayada Dhismaha ay Qaranka u hirgelinayso isaga oo sheegay in lagula xisaabtamaayo wixii ka yimaada tayada dhismahaasi.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Shirkadihii ka qayb galay tartanka Qandaraaska iyo ma suul ka socotay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha waxaanay dhamaantood bogaadiyeen qaabka daahfurnaanta ah ee loogu tartamay Qandaraaskaasi.

Leave a Reply