Shacabka oo Xukuumadda ugu Baaqay in wax laga qabto Oromada Dawarsata

0
517

Hargeysa-(Dawan)-Oromo raxan raxan u wada socota oo dawarsanaysa ayaa kasoo buuxsamay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland kuwaasi oo u badan dhallinayaro.

 

Qaar ka mid ah shacabka iyo Culimada ayaa si weyn uga dayriyey khatar ay sheegeen in ay ku yihiin shacabka iyo dalka , waxanay xukuumadda ugu baqeen in ay ka il gaar ku eegto ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysa qulqulka kooxaha dhallinayarada dawarsata ee kasoo jeeda qoomiyadda ugu tirada badan dalka Itoobiya .

 

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo ka culimada dalka ayaa sheegay in aanay lahayn sifooyinka ay leeyihiin dadka masaakinta ee jilicsan islamarkaana aanay dalkooda ka keenin baahi iyo colaado joogto ah.

 

“dadkaasi –(Oromada), waxa ay leeyihiin saddex sifo oo aanay lahayn dadka masaakiinta ah , lacagta iyo raashinka way qaatan  oo guryaha cuntada ayey ka gurtaan , goobaha ganacsiga iyo shacabkana lacagta ayey ka gurtaan  , maaha dadka cibaadaysta oo ehlu cibaado ah , in ka badan boqolkiiba sagaashan maaha muslimiin” ayuu yidhi

 

Qaar ka mid dhallinyarada magaalada Hargeysa ayaa Wargeyska Dawan u sheegay in dadkan badankoodu ay yihiin Kiristaan khatar ku ah caqiidada islaamka , waxanay xuseen in ay bilaabaan falal khatar ku ah amniga.

 

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay in ay dalkooda ku celiso madaama aanay jirin sabab amni darro ama baahi oo dhulkooda kasoo eryatay.

 

Leave a Reply