Kulan Lagaga Hadlay Shuruuda Adag ee Ku Xidhan Tartamayaasha Murashixiinta Saddexda Xisbi Ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI Oo Komiishanku Qabtay

0
369

Hargeysa(Dawan)-Kulan muhiim u ah arrimaha doorashooyinka la filayo in ay Somaliland ka qabsoomaan ee Gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka, isla markaana lagu hubinayo in murrashaxiintu buuxiyeen shuruudaha iyo xeerarka dalka, ayaa shalay ka qabsoomay xarunta guud ee guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankaa oo ay soo qaban-qaabiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaana ka qaybgalay xubnaha iyo Saraakiisha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, ee NEC), Saraakiil ka socday Saddexda Xisbi Qaran(KULMIYE, UCID iyo WADDANI), Wasaaraddaha, Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta guud ee Qaranka iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

U-jeeddada kulanka ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, ayaa lagaga hadlayay sidii murrashaxiinta loo soo xulayo inay ka qaybgalaan tartanka Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada loo dardar-gelin lahaa, isla markaana loo hubin lahaa in dhammaan Murrashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha ku cad ee uu qeexay xeerka, isla markaana uu waajibiyay Xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee ku taariikhaysan, 91/2020 iyo Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.

Ka qaybgalayaasha ka socday laamaha iyo hay’addaha kala duwan ee Dawladda ayaa doorar kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha caddaynaya shuruudaha buuxintooda ee Xeerku ku waajibiyey murrashixiinta sida shahaadooyinka waxbarashadda, cashuur-bixinta, deebaajiga, dambi-la’aanta, shaqo ka-tegista shaqaallaha dawladda, warqadaha caafimaadka iyo dhammaan wixii waraaqo iyo dukumentiyo ee looga baahan yahay murrashaxiinta doonaya inay ka qaygalaan tartanka doorashooyina gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Dood dheer iyo fahamsiin lagu naaqishay dhammaan arrrimahaa waxay dhinacyada kulanka ka qaybgalay si qoto-dheer isula eegeen sidii Xisbiyada, Hay’addaha kala duwan ee dawladda iyo guddida doorashooyinka qaranka Somaliland u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta qoddobada xeerka sida shuruudaha ku xidhan murrashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh, waxayna dhammaantood balan qaadeen in ay fulinayaan qawaaniinta iyo xeerarka dalka ee ku waajibay tartamayaasha doonaya in ay ka qaybgalaan doorashooyinka 31 May 2021.

Leave a Reply