“Shaqaalaha dawladda ee Doorasahda u Tartamayaa ha iscasilaan”

0
467

Hargeysa-(Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa ka dalbatay Shaqaalaha Dawladda ee Murrashaxiinta ah in ay Soo Gudbiyaan Waraaqaha is casilaadooda.

 

Qoraal ay soo saartay hay’adda shaqaalaha dawladda, ayaa waxa lagu sheegay in ay soo gudbiyaan waraaqaha is casilaada ee ay shaqada dawladda kaga tegayaan, madaama oo ay siyaasadda galeen

 

Qoraalka oo soo gaadhay Wargeyska Dawan u dhignaa sidan:,

“Hay’adda dshaqaalaha Dawladdu waxay mar kale la-socodsiinaysaa dhammaan Hawl-wadeenada Dawladda ee isu-sharaxaya doorashadda gollayaasha deegaanka iyo wakiiladda inay hay’ada shaqaalaha usoo gudbiyaan waraaqahooda ay Iskaga casilayaan Xubinimadii ay ka ahaayeen shaqaalaha dawladda iyo masuuliyadihii ay Hayeenba inta ka horaysa 1-03-2021-ka.”

 

Leave a Reply