Dad ku dhintay qaboow aad u daran oo ka jira Mareykanka

0
938

Ugu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaanno wata baraf, roob iyo dabeylo aad u qaboow oo Sabtidi ilaa Arbacada maanta ah ka socda qaar ka mid ah gobollada koofureed ee dalkaan Mareykanka.

Qabowgan oo lagu sheegay mid ka mid ah kuwi ugu xumaa ee soo mara Mareykanka, ayaa aad u saameeyay gobollada Texas, Louisiana, Tennessee, Kentucky iyo North Carolina.

Salaasadii shalay, meydadka saddex qof ayaa laga helay xeebaha gobolla North Carolina, halka magaalada Houston ay ku dhinteen qoys ka kooban afar qof, kaddib marki ay ku gubteen dab ay diirrimaad ka raadinayeen.

Gobolka Texas, ugu yaraan afar milyan oo guri iyo xafiisyo ayaa koronto la’aan ah. Hay’adda Qaran ee Saadaasha Hawada Mareyakanka ayaa ka digtay in ilaa 174 milyan oo qof ay saamey doonaan duufaanta ka dhaceysa Mareykanka xilligaan qaboow ee jiilaalka.

Leave a Reply