Xukuumadda oo qaaday Masuuliyadda Waxbarasho ee Ayaan Yuusuf

0
445

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda waxabarashada Somaliland ayaa sheegtay inay kalaafo qaaday waxbarashada Ayaan Yuusuf Maxamed, oo dhawaan laga duubay muuqaal ay busladu dhibsatay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa sheegay in muuqaalkaas laga duubay inantaas yari uu ahaa mid wasaaraddu ka damqatay, waxaanuu u mahadceliyay gudoomiyaha baanka dhexe ooh ore shaqo u siiyay, maantana wasaaradda waxbarashadu ay waxbarashadeeda gacan ka gaysan doonto.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somalialnd Axmed Maxamed Diiriye Toorno, oo xafiiskiisa ku qaabilay Ayaan Yuusuf ayaa sheegay in wasaaraddu dammaanad qaaday waxbarashadeeda, iyadoo waaxda warbarashada tooska ah ee wasaaraddaasi ay gayn doonaan iskuulka ay doorato ama ugu dhaw.

Wariir Axmed Toorno wuxuu u soo jeediyay Ayaan in marka ay waxbarashada dhamaysato ay tusaale u noqon doonto dadka aan waxba baran ee dhibaatooyinka loo gaysto, maadaama oo ay iyadu la kulantay dhibaato.

Ugu dambayn Shaafi Ciise Cismaan oo ah inantaas yare ee Ayaan Abtigeed ayaa guud ahaan xukuumadda Somaliland uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen inantaas yar, waxaanuu intaas ku daray inay tahay tallaabo wanaagsan.

Leave a Reply