Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo Magacaabay Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Hargeysa

0
492

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed,  ayaa  Siciid Nuur Jaamac u  magaacabay xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.

Magacaabista xoghayaha cusub ayaa timid ka dib markii uu xoghayaha wakhtigan ee dawladda Hoose Axmed Yoonis Juxa uu shaaciyay in uu u tartami doono doorashada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa.

Siciid Nuur ayaa ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee wakaaladda horumarinta jidadka Somaliland.

Leave a Reply