Somaliland iyo Jabuuti oo Heshiis Dhanka Amniga ah kala Saxeexday

0
436

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale iyo taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornayl Cabdillaahi Cabdi Faarax, ayaa kala saxeexday heshiis lagu adkaynayo amniga labada dal.

Taliyaha Ciidanka booliska Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax oo kulankaa ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka Wada-hadleen Taliyaha Booliska Somaliland xoojinta amniga labada dal.Waxaanu yidhi”Waxaa isku kaaya keenay waxa weeye sidii aanu dib iskula falanqayn lahayn oo aanu wada shaqayn toosa ka wada shaqayn karno dhibaatooyinka dadka Dambiyadda gelaya ee iskaga gudbaya Xuduudaha ee had iyo jeer ina soo waajaha dhankay doonaan haka yimaadaane,sidii aanu iskaga gaashan buuraysan la hayn ee aanu uga hortagi lahayn ayaanu ka wada hadalnay wixii xog ah ee ku saabsan u wada wadaagi lahayn oo aanu u adkayn lahayn Nabada labada dal wada shaqayna waligeed way naga dhaxayn jirtay,qaraxii Jabuuti ka dhacay annaga oo gacmaha ishaysana ayaanu ka hor tagnay dhibaatadaas waxaana markhaati u ah dadka dambiyaa u xidhan in aanu ka soo qabanay Somaliland gudaheeda taasna waxa keenaysa walaaltinimada iyo Jaarnimada oo aanu ka hor tagno wixii dhibaato u keenaya Amniga labada wadddan.”

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka Wadahadleen Taliyaha Booliska Jabuuti.waxaanu yidhi”Waxa aanu nahay labada dal oo darisa oo isku dhaqana oo isku diin ah oo Xuduud wadaaga waxaanan ka wada shaqaynaa Amniga,sidaa daraadeed waxa aanu kala saxeexanay sidii Kootarabaanka ula wada dagaalami la hayn iyo sidii aanu iskaga kaashan lahayn dhibaatooyinka jira iyo wixii labada dal wax yeelaya sidii aanu iskaga kaashan lahayn.waxa kale oo aanu ka Wadahadalnay xadka iyo dambiyada ayaanu kala saxeexanay Dastuurka Somaliland waxa uu qeexayaa in Nabad kula noolaano dalalka jaarka ah Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay daris nahay,”.

 

 

Leave a Reply