Xumaan Kasta Wanaag Ka Danbaysii!

0
824

Waxa uu ku noola Hindiya, isagoo ku shaqaysan jiray tuugada. Maalin danbe ayaa lagu qabtay Neef uu xaday ka dibna waxa wejigiisa lagu qoray laba eray oo loo soo gaabiyay waa tuugii neefka xaday  (SK).  Wakhtigaasi ayuu bedelay shaqadiisa waxaana uu ku dhaqaaqay inuu samafale dadka caawiya noqdo. Miskiinka, iyo taajirkaba si isku mid ah ayuu u kaalmayn jiray. Dadka buka wuu soo booqan jiray oo caawin jiray.

Waxaana uu caan ku noqday inuu yahay samafale kaalmeeya ah. Markii uu da’da ahaa oo weli wejigiisa ay ka sii muuqdaan xarafyadii ayuu maalin nin bukay oo uu soo booqday, nin ag fadhiyiy weydiiyay “ waa maxay xarfaha wejiga kaga qoran odaygan”. Isaguna wuxu ugu jawaabay ma garanayo laakiin waxaan filayaa inay tahay “ Samafale”. Wanaagga aad u samayso dadka waxay ka qarisaa xumaantaada hore. `

Leave a Reply