Wasiirka Diinta Iyo Aw-Qaafta Somaliland ayaa Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Madaariista Qur’aanka

0
434

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka ayaa kormeeray Qaar ka mid ah madaariista Qur’aanka ee Magaaladda Hargeysa.

U jeedada kormeerkaas wasiirka wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa ahayd u kuur galka qaabka uu u dhaqan galay Manhajka Qur’aanka Kariimka ah ee ay wasaaraddu hirgelisay, waxaana Madarsadaha uu kormeeray ka mid ahaa Madarasadda Cabdilaahi Binu Cabaas, Ab-raar, Daarul Tawfiiq, Daarul-Huda iyo Maryama Bintu Cumraan.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed awasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa sida manhanjkaasi uga socdo warbixin ka siiyay maamulka iyo macalimiinta madarasadahaas uu maraayay, waxaanay xuseen in mahajkaasi u socdo si haboon, isla markaana uu yahay mid kor u qaadaya aqoonta ardayda ee dhanka barashada diiniga ah.

Ugu dambayn Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland, wuxuu sheegay in kor-meerkaasi noqon doono mid joogto, waxaanuu wasiir Khaliil u soo jeediyay bulshada in ay ilaaliyaan oo daryeelaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo kuwa Axaadiista oo aan lagu qubin meelaha aan nadiifta ahayn.

Leave a Reply