Xoghayaha Dawladda hoose ee Hargeysa oo xilka la wareegay iyo dardaaranka loo jeediyey

0
413

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Xoghayaha cusub ee Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa, ayaa xilkii kagala wareegay Xoghayihii hore munaasibad Axadda maanta lagu xarunta Dawladda hoose, taasoo ay ka qaybgaleen Maayirka, Maayir ku-xigeenka, xubno kamida xildhibaanada Golaha Deegaanka, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex,Xubno kamida Golaha Wasiirrada, Shaqaalaha Dawladda hoose iyo marti-sharaf kale.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha ahna ku-simaha Wasiirka , ayaa todobaadkii hore xilka xoghayaha fulinta Dawladda hoose u magacaabay Siciid Nuur Jaamac oo hore uga tirsanaa Wasaaradda horumarinta Jidadka, isagoo xilkii ka qaaday Xoghayihii hore oo u tartamaya golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa.

Munaasibadda xil-wareejinta waxa hadallo ka jeediyey masuuliyiin tiro badan, kuwaasoo xoghayaha cusub alle uga baryey in uu xilka u fududeeyo, kii horena ku bogaadiyey shaqadii uu bulshada u qabtay intii uu xoghayaha ahaa, mansabka cusub ee uu tartanka u gelayona alle ku guuleeyo.

Duqa Caasimada Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Cago-weyne, xubno kamida agaasimeyaasha waaxyaha Dawladda hoose oo halkaa ka hadlay, ayaa dhamaantood sheegay in Xoghayaha hore Axmed Yoonis Juxa uu ahaa masuul howlkar ah oo muddadii uu xilka hayey wax badan ku kordhiyey shaqada dawladda hoose, waxaanay intaasi ku dareen inay xoghayaha cusub ka rejaynayaan dardar cusub iyo shaqo-wanaag, isagoo qayb ka noqon doona hogaaminta hay’adda horumarinta Caasimada Hargeysa.

Maareeyaha Hay’adda horumarinta Waddooyinka, Maareeye ku-xigeenka Hay’adda horumarinta Waddooyinka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo xafladaasi hadallo ka jeediyey, ayaa tilmaamay in xoghayaha cusub uu yahay masuul ay kalsooni buuxda ku qabaan shaqadiisa iyo hufnaantiisa maamul, waxaanay maareeyayaasha Hay’adda horumarinta waddooyinku isku raaceen in uu ahaa shakhsi udub-dhexaad u ahaa Hay’addaasi, kuna kalsoon yihiin in uu tacab iyo tamar badan gelin doono horumarinta adeegyada ay bulshada u qabato Dawladda hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed oo gunnaanadkii munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa ku booriyey xoghayaha cusub ee uu dhugmo iyo howl dheeraad ah u yeesho baaxada shaqada u taalla xilligan kala-guurka ah ee la gelayo Doorashada Goleyaasha Deegaanka “Xoghayaha waxaan leeyahay waxa loo baahan yahay in aan guntiga u xidhato howsha baaxadle ee kuu taalla xilligan kala-guurka ah ee goleyaashii deegaanka wakhtigoodii sii dhamaanayo oo ay qaar badani sharaxan yihiin”ayuu kula dardaarmay Badhasaabka Gobolku isagoo intaasi u raaciyey “caasimadu way sii balaadhanaysaa, bilicdeeda, wadooyinkeeda iyo horumarkeedaba masuuliyadbaa kaa saaran”.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex waxa uu xusay in muddadii uu Xoghayaha hore joogay aan wax khilaaf ahi ka iman maamulka Dawladda hoose, xoghayaha cusubna sidaasi si’ lamida looga baahan yahay.
Waxgarad kamida marti-sharafta munaasibada ka qaybgalay oo halkaa ka hadlay, ayaa xoghayaha cusub kula dardaarmay in uu dardar geliyo horumarinta adeegyada bulshada ee magaalada Hargeysa, halka ay xoghayihii hore ugu duceeyeen in uu gaadho meesha uu socdo.

Leave a Reply