Dal Horumar Ku Gaadhay Ka Faa’iidaysiga Wakhtiga!

0
456

Dalka Japan tirada dadkiisa ayaa kor u dhaaftay 120 malyuun iyadoo baaxadda dhulkiisu ay ka yar tahay tan dalka Masar. Dalkani malaha khayraad dabiici ah sida batrool, dhuxul dhagax iyo macdanta xadiidka ah. Japan iyadoo aanay hantida dabiiciga ah lahayn haddana shacbigiisa ma hayso gaajo iyo saboolnimo midkoodna.

Japan Wuxuu dhinaca dhaqaalaha tartan kula jiraa Maraykanka. iyadoo waxa keliya ee ay ka faa’iidaysataan tahay khayraadka muhiimka ah ee uu haysto oo ah dadkiisa (Human Recourses) iyo wakhtiga, kuwaasi oo dunida dal kasta haysto.

Halka Masar oo ka khayraad badan kana dhul balaadhan oo gaasta dabiiciga ah iyo khudaar badan dibada u dirta kana dad yari ay gaajo iyo macluuli ka taagan tahay.

Horumarku maaha hantida aad haysato laakiin waa sida aad ugu fikirayso oo maamulayso khayraadka aad heli karto ka faa’iidaysigiisa.

Kitbaaka. Dr. Mustafe Maxamud

Leave a Reply