Madaxweyne Maraykanka oo ku dhawaaqay qorshe deg deg ah oo la xidhiidha Talaalka Covid19

0
1016

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Salaasadii shalay sheegay, in Mareykanka uu rajo ka qabo in wixi loo gaadho dhamaadka bisha May la heli doono, tallaal ku filan dhammaan dadka qaan gaadhka ah, si looga hortago cudurka COVID-19.

Ku dhawaaqista madaxweyne Biden ayaa ka dhigeysa, in laba bilood ay kasoo hormari doonto, rajadi marki hore la qabay oo aheyd in dhammaan dadka waaweyn ee Mareykanka ay heli doonaan tallaalka COVID-19 badhtamaha xilliga xagaaga.

Biden ayaa sidoo kale sheegay inuu awoodihiisa xagga federaalka u isticmaali doono, sidii ay dhammaan gobollada Mareykanka ahmiyadda koowaad ee tallaalka ugu dari lahaayeen macallimiinta.

Shirkadaha Pfizer, Moderna iyo Johnson & Johnson ayaa si xowli ah u wada soo saarista iyo daabulista tallaalka Covid-19 ee gudaha Mareykanka.

Leave a Reply