Qiimaha Shidaalka oo Kor u Kacay iyo Wasaaradda Ganacsiga oo Aamusnaan kaga Jawaabtay  

0
484

Hargeysa-(Dawan)- Qiimaha Shidaalka ayaa kor u kac xoogan laga dareemayo todobaadkan guud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo keentay in shacab ka muujiyaan qaylo dhaan xoogaan.

 

Bulshada gadiidlayda gaar ahaan basaska oo qayb ka weyn ka isu-socodka gobollada iyo magaaloyinka gudahooda ayaa sheegay in gacansatada keena shidaalka ay ku tacadiyaan shacabweynaha jamhuuriyadda Somaliland

 

” Tanaggii shidaalka ahaa ee marayey 78,000 kun oo Somaliland Shilin maanta waa 115,000 majiro doolar kacay , majirto cashuur shidaalka lagu kordhiyay , majiro shidaal dunida ka kacay, haddana maalinba maalinta ka dambeysa shidaalkii shirkaduhu way nagusii kicinayaan” ayuu yidhi mid ka mid ah Is-kaashatada basaska Hargeysa oo walaac ka muujiyay qiimo korodh ku yimi shidaalkii , iyaga oo ku baaqay in danyarta intaan lagu kordhin loo tudho.

Shacabka ayaa Dawan u sheegay in ganacsatada Shidaalka ee dalku u heshiiyeen bulshada reer Somaliland oo ay kooto u xidhan ka dhigteen qiimaha iibka ee shidaalka dalka soo gala, waxa kale oo ay sheegeen in heshiis ku yihiin inay dalka u iib keenaan shidaalka ugu tayada hooseeya, si aanay xagga qiimaha u kala duwanaan markay soo iibsanayaan, si ay qiimo isku mid ah ugu wada iibin karaan marka uu soo gaadho kaalmahooda shidaalka.

 

wasaaradda ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iyana aamusnaan kaga jawaabtay, isla markaana aan ka hadal in ay jiraan dedaalo iyo wax tallaabo ah oo  gaadiidku ku heli karaan shidaal jaban.

 

Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa wasaaradda ganacsiga ku dhaliilay gaabis ku yimid gudashada waajibeedka shaqo ee helida iyo tayeynta shidaalka  noocyadiisa kala duwan.

Leave a Reply