Hargeysa-(Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaad Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilowday in ay Cisbitaalada dawladda ee guud ahaan gobollada dalka la gaadhsiiyo dawada Macaanka ka dib markii la ogaaday in cudurku uu si xawliya ugu faafiyo dalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Macaanka Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa sheegay in ay bilaabeen un Cisbitaalka guud ee gobollada dalka la wada gaadhsiiyo dawada Xanuunka Macaanka ee loo yaqaan Insulin.
“waxa aanu ogaanay in xanuunka macaanku uu dad badan asiibay kuwaasi oo awoodi kari waayey in ay iibsadan dawada macaanka ee loo yaqaan Insulin. Dawadan ayaanu u qaybinayaa dhammaan cisbitaalada gobollada oo dhan sida oo kale waxa aanu qabinayaa dawo marku uu Macaanku dhaco ee lasoo kicin kari waayo soo kicinaysa” ayuu yidhi
Macaanku waa xanuun sababa oo keena indho la’aanta, kelyo xanuunka, wadne xanuunka iyo faaligga, waxanu soo koradhaya dadka qaban cudurka eek u nool gobollada dalka