Xukuumadda Somaliland oo Dib u Hawlgelisay Guddidii Abaaraha

0
329

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aamisey in guddidii abaaruhu dib u hawl-gasho, xubno xaqiiqo raadin ahna u dirto goobaha abaaruhu ka jiraan ee u baahan biyo dhaamis iyo raashin qaybin, isla markaana soo saarto baaq qaylo-dhaan ah, si loo bilaabo u gurmadka muwaaddiniinta tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen.

 

Dawladdu iyada oo ka duulaya baahiyaha soo noq-noqday ee la xidhiidha biyo yaraanta waqtiyada qaar waxay isla meel dhigeen in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sannadaha soo socda xoogga saarto qodista biyo xidheenno waaweyn, si looga faa’iidaysto waqtiyada abaaraha iyo biyo yaraanta.

Leave a Reply