Guddida heer qaran ee xakamaynta COVID19 oo Walaac ka muujiyey Xaaladda cudurkaasi ee gobolada Bariga

0
354

Guddida heer qaran ee Xakamaynta cudurka Covid19, ayaa tababar ugu qabtay Magaalada wakiillo ka socda guddiyada gobolada ee la-dagaalanka cudurkaasi.

Tababarkan ayaa si gaar ah loogu qabtay guddiyada gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer, waxaana xafiiska Guddida ka caawiyey Hay’adda Jarmalka ah ee GIZ, sida uu sheegay Xoghayaha guud ee guddida Covid19 Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo ka hadlayey munaasibada daah-furka tababarkan.

Xoghaye Xuseen Deyr, ayaa sheegay in tababarkan looga dan leeyahay in kor loogu qaado la-tacaalida cudurkan oo la dareemayo in uu soo laba kacleeyey, sidaasi awgeed la dardar gelinayo wacyi-gelinta iyo baraarujinta bulshada.

“Guud ahaan Qaranka Somaliland waxa ka go’an inuu umadda u soo celiyo wacyigelintii iyo in lagu dhiirigeliyo in ay u hogaansamaan tilmaamaha caafimaadka ee ay bixinayso wasaaradda horumarinta caafimaadku”ayuu yidhi Xoghayaha oo tilmaamay in dib loo soo celiyo wacyigelintii kala duwanayd ee dadweynaha loo marin jiray qalabka Isgaadhsiinta iyo Warbaahinta “tababarkani wuxuu ku saabsanaa in guddiyada goboladu soo celiyaan baraarujintii oo dadka la gaadhsiiyo in ay taxadir dheeraad ah sameeyaan, sida Dugsiyada waxbarashada, Masaajidada, in Afsaabkii la xidho iyo in la soo celiyo faraxalkii joogtada ahaa”.

Xoghaye Xuseen Aadan Cige waxa uu shaaca ka qaaday in gobolo uu markii hore cudurku sahlanaa ay hadda dhibaatadiisu gaadhay, isagoo xusay “gobolka Sanaag, Ceel-afweyn waxa ku dhintay saddex qof, soddon qof way jiifaan, Ceerigaabo way jirtaa dhibaatadiisu, gobolka Sool isna way jirtaa dhibaatadiisu, markaa shirkadda Isgaadhsiinta waxaanu ka codsanaynaa in ay soo celiyaan farrimihii wacyi-gelinta ahaa”ayuu raaciyey.

Maxamed Diiriye Xayd Guddoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Cabdiraxmaan Maxamed oo ka socday Hay’adda GIZ oo halkaasi ka hadlay, ayaa guddida uga mahad-celiyey dedaalka ay ugu jiraan sidii umadda looga badbaadin lahaa saameynta cudurkaasi.

Waxa ay sheegeen inuu cudurkaasi soo noqday oo uu faafis cusub yeeshay, isla markaana uu yahay halis hor leh oo ku gedaaman bulshada Somaliland.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa todobaadkii hore sheegtay in kiisaska dadka laga helay cudurka Covid19 ay aad u kordheen saddexdii todobaad ee u dambeeyey, waxaanay caddeeyeen in heerka korodhka Kiisasku muujinayo xaallad cusub oo xaasaasi ah.

Leave a Reply