Nuxurka War-qoraal ah oo ka soo Baxay Xafiiska Shaqo Qaran

0
404

Hargeysa (Dawan) Barnaamijka Shaqo Qaran iyo xafiiska Imtixaanadka Qaranka waxay wadajir u ogaysiinayaan dhammaan dhalinyaradii soo codsaday ka qaybgalka Shaqo Qaran 2021ka ee shuruudaha buuxiyay in imtixaanka la qaadayo maalinta Axada oo ku beegan 07/03/2021.

Goobaha Imtixaanka lagu gelayaa waa magaalooyinka Boorama, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanod iyo Ceerigaabo. Sidaa darteed, dhalinyarada tartamaysa waxa lagu adkaynayaa inay maalinta Sabtida iska hubiyaan liisaska magacyada tartamayaasha oo lagu soo dhajin doono goobaha imtixaanka lagu geliyo, islamarkaana waa inay goobta ka qaataan aqoonsiyadooda (Role Number).

Dhalinyarada Gobolka Badhan waxa lala socodsiinayaa inay imtixaanka ku gelayaan goob ka mid ah degmada Ceerigaabo.

Leave a Reply