Wasaaradda Cadaaladda oo Kulan La Qaadatay Mas’uuliyiinta Nootaayooyinka Hargeysa.

0
381

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la qaadatay mas’uuliyiinta nootaayooyinka ka hawl gala caasimadda Hargeysa.

Kulankaas ayaa ku saabsanaa hirgelinta xeerka nootaayooyinka ee xeer nambar 18/2001, waxaana diiradda lagu saarayay sidii nootaayooyinku ay fiiro gaar ah ugu yeelan lahaayeen qoraallada iibka iyo kala wareejinta hantida guurtada ah iyo ta ma guurtada ah.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed oo u mahad celiyay mas’uuliyiinta nootaayooyinka ee ka soo qayb galay kulankaasi, waxaana uu sheegay in nootaayooyinku ay ka tirsan yihiin wasaaradda cadaaladda oo ay hayaan shaqadii wasaaradda cadaaladda, sidaa awgeedna ay tahay in kulan joogto ah ay yeeshaan. Dhinaca kale wasiirku wuxuu ku ammaanay mas’uuliyiinta shaqada xilkaska leh ee ay u hayaan bulshada, isaga oo ugu baaqay in halkaas ay ka sii wadaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in shaqada ugu weyn ee ay wasaarad ahaan ay qabtaan ay ka timaaddo nootaayooyinka, isaga oo bogaadiyay wada shaqaynta hufan ee ka dhexeysa wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo nootaayooyinka, waxaana uu sheegay in ay la xisaabtami doonaan nootaayooyinka aan iman shirkaasi.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta nootaayooyinka ka hawl gala caasimadda Hargeysa, waxaana ay dhammaantood u mahad celiyeen madaxda wasaaradda caddaaladda jamhuuriyadda Somaliland sida hufan ee ay ula shaqeeyaan

Leave a Reply