Xafiiska Hanti-dhowrka guud oo baadhis ka bilaabay Saddex Hay’addood oo ay ku jirto Wakaaladda Dekedduhu

0
448

Qore. Saleebaan Kalshaale

Berbera(Dawan)-Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa howlgal baadhis ah ka Bilaabay qaar kamida Xafiisyada Dawladda ee Magaalada Berbera ku yaalla, kuwaasoo ay Saraakiil ka tirsan Hanti-dhowrku shaqada ka bilaabeen maalmihii la soo dhaafay.

howlgalkan oo kamida Baadhitaannada caadiga ah ee uu Xafiiska Hanti-dhowrku ku sameeyo Hay’addaha Qaranka, ayaa waxa laga fulinayaa saddex Wakaaladdood oo kala ah; WAKAALADDA DEKEDDAHA QARANKA, WAKAALADDA HAAMAHA SHIDAALKA iyo WAKAALADDA BIYAHA BERBERA, Sida lagu sheegay war qoraal ah oo Axaddii lagu baahiyey Barta Facebook-ga ee Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Qaranka.

Qoraalka uu baahiyey Xafiiska Hanti-dhowrku waxa uu intaasi daray “Saddexdaas wakaaladood oo xarumahoodu yihiin magaalo Madaxda Gobalka Saaxil. baadhisahaas oo ah saddexda nidaam-baadhiseed ee uu jideeyay Xeerka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Xr. Lr. 76/2016, oo kala ah Baadhis Maaliyadeed, Baadhis Wax Qabad iyo Baadhista Waafaqsanaanta Shuruucda, ayaa muddada ay socoto waxa ka qayb qaadanaya saraakiil u tababaran Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah, oo sannadihii u danbeeyay lagu sameeyay isbeddello wax ku oolla oo Baadhisaha Qaranka u fududaynaya in la wada gaadho dhammaan Laamaha Dawladda ee kala duwan taas oo loo hirgalin doono hab casriya oo la jaan-qaadaya Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah”

Xafiiska Hanti-dhowrku wuxuu sheegay in bilihii u dambeeyay noocyada Baadhisuhu ka socdeen in ka badan 8 meelood oo isugu jira Wasaaraddo iyo Hay’adaha Dawladda oo waafaqsan Qorshaha Sannadkan 2021 ee imika curtay oo la rabo in la gaadho inta badan Laamaha Dawladda Dhexe iyo Hooseba.

Wariyeyaal ka tirsan Wargeyska Dawan oo Xafiiska Hanti-dhowrka guud la xidhiidhay si ay wax uga waydiiyaan howlgalkan baadhista ah, ayey u suurto-geli wayday, kaddib markii madaxda Xafiiskaasi ka cudur-daarteen in ay qaabilaan Wariyeyaasha, gaar ahaan Guddoomiyaha oo bartilmaameed u ahaa war-doonka wariyeyaasha.

Geesta kale, Xubno kamida Saraakiisha Xafiiska Hanti-dhowrka guud oo aanu wax ka waydiinay baadhitaanka Hanti-dhowrku ka bilaabay Hay’addaha Dawliga ah ee kor ku xusan, ayaa xaqiijiyey jiritaanka warka lagu shaaciyey howlgalka baadhiseed, hase yeeshee ka gaabsaday in ay tafaasiil intaasi ka badan bixiyaan.
Xafiiska Hanti-dhowrka guud, ayaa awood dastuuriya u leh baadhitaannada iyo daba-galka tasarufaadka Maaliyaddeed, Hantiyeed iyo nidaam ee laamaha dawladda, taasoo uu u raaco hab-sharciyeedka ku qeexan awoodihiisa fulineed.

Leave a Reply